HomeWararMadaxweyne Biixi oo booqday goobo ay ka socoto Codbixinta Doorashada

Madaxweyne Biixi oo booqday goobo ay ka socoto Codbixinta Doorashada

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa booqday Goobaha degmooyinka Caasimada Somaliland ee Magaalada Hargeysa oo ay ka socoto Codbixinta Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka. Madaxweyne Muuse Biixi oo u tegay dadweyne farabadan oo safaf dhaadheer ugu jiray inay dhiibtaan codadkooda ayaa waxaa uu kula dardaarmay inay codkooda dhiibtaan, kuna hubsadaan ciday u codaynayaan. Madaxweynaha Somaliland Muuse […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa booqday Goobaha degmooyinka Caasimada Somaliland ee Magaalada Hargeysa oo ay ka socoto Codbixinta Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka.

Madaxweyne Muuse Biixi oo u tegay dadweyne farabadan oo safaf dhaadheer ugu jiray inay dhiibtaan codadkooda ayaa waxaa uu kula dardaarmay inay codkooda dhiibtaan, kuna hubsadaan ciday u codaynayaan.

- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa subaxnimadii hore ee saaka codkiisa ka dhiibtay Xarunta hay’adda shaqaalaha dawladda, isagoona buuxiyay shuruudihii looga baahnaa qof kasta oo codbixiye ah.

Shacabka Somaliland ayaa Maanta goor hore u dareeray goobaha Codbixinta, iyagoona dooranaya Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo ay ku tartamayaan 82 Xildhibaan oo Baarlamaanka ah iyo 249 Golaha guurtida.

In ka badan hal malyan oo qof ayaa dhiibanaya codadkooda, iyadoona goobaha codbixinta ay gaarayaan 2,709 oo kala yaalla Maroodi-Jeex, Toghdeer, Sanaag, Soo, Awdal iyo Saaxil, waxaana siweyn loo adkeeyay amniga goobaha Codbixinta.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu ka Codsaday dhammaanba xubnaha murrashaxiinta ah ee ka qaybgelaya doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka inay u hoggaansamaan natiijada soo baxda, una turaan nabadgelyadaba.

Latest stories