HomeWararBeesha caalamka oo war kasoo saartay  muddo kororsiga Madaxweyne Farmaajo

Beesha caalamka oo war kasoo saartay  muddo kororsiga Madaxweyne Farmaajo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Kanada, Danmark, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qoraal ay uga jawaabayaa muddo kordhinta hay’adaha dowladda Soomaaliya. War-saxaafadeedka ayey ku sheegeen “inay aad uga walaacsanyihiin meelmarinta 12kii Abriil uu Golaha Shacabka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Kanada, Danmark, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qoraal ay uga jawaabayaa muddo kordhinta hay’adaha dowladda Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayey ku sheegeen “inay aad uga walaacsanyihiin meelmarinta 12kii Abriil uu Golaha Shacabka meelmariyay qaraar lagu bedelayo heshiiskii 17kii Sebtember, qaraarkaas oo xambaarsan geedi-socod doorasho oo ay ka dhalan doonto muddo kordhin dheeri ah oo ku timaadda muddo xileedkii loo igmaday Madaxweynaha iyo Baarlamaanka.”

- Advertisement -

“Waxaan si isdaba joog ah u sheegnay in aan la taageeri doonin geeddi-socod siyaasadeed oo is barbar socda, doorashooyin aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo keenaya kordhinta muddo xileedkii hore,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Waxaa sidoo kale war-saxaafadeedka lagu sheegay in qaraarka 12-kii Abril uu wiiqayo nabadda, amniga, iyo xasilloonida Soomaaliya iyo meelo ka baxsan.

“Qaraarkan ayaa sidoo kale sii daahin doona qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo kuwaas oo ay sugayeen dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

- Advertisement -

Beesha caalamka ayaa sheegtay in hirgelinta heshiiskii 17kii Sebtember uu yahay hanaanka ugu wanaagsan ee waxqabad ee la heli karo, sidaa darteedna ay ku boorinayaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka inay si dhakhso leh ugu soo laabtaan wadahadallada si loogu heshiiyo habka hawsha horey loogusii wedi lahaa.

Dalalka beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin inay bixiyaan adeegyada dhexdhexaadinta si loo fududeeyo loona soo nooleeyo wadahadal loo dhan yahay oo ku saleysan heshiiskii 17kii Sebtember.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts