HomeWararQarax lagu dhaawacay Mas’uul ka tirsan Xiriirka Kubada Cagta Sh/Dhexe

Qarax lagu dhaawacay Mas’uul ka tirsan Xiriirka Kubada Cagta Sh/Dhexe

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Gaari oo Maanta ka dhacay Xaafada Siigaale ee degmada Hodan kaas oo la sheegay in uu ahaa mid gaari loogu dhejiyay Ruux watay. Gaari nooca Soomaalida u taqaano Saruf ayaa qarxay,waxana xilliga uu qarxayay saarnaa Ruuxii lahaa Gaariga oo ahaa Guddoomiye kuxigeenka xiriirka Kubada Cagta Gobolka Shabeellaha Dhexe […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Gaari oo Maanta ka dhacay Xaafada Siigaale ee degmada Hodan kaas oo la sheegay in uu ahaa mid gaari loogu dhejiyay Ruux watay.

Gaari nooca Soomaalida u taqaano Saruf ayaa qarxay,waxana xilliga uu qarxayay saarnaa Ruuxii lahaa Gaariga oo ahaa Guddoomiye kuxigeenka xiriirka Kubada Cagta Gobolka Shabeellaha Dhexe oo lagu Magacaabo Maxamuud Cumar Axmed(Qasaaye)

- Advertisement -

Eheladiisa ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in dhaawac  lugta ah uu ka soo gaaray  qaraxaas Guddoomiye kuxigeenka xiriirka Kubada Cagta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka qaar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Gaariga uu Maanta ka soo bixiyay Garaash uu ugu xareesnaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay intii ay Wadooyinka Muqdisho xirnaayeen,hayeeshee Maanta markii uu lasoo baxay uu ku qarxay.

Mid ka mid ah Isbitaalada Magalada Muqdisho ayaa loo qaaday dhaawiciisa oo la sheegay in uu yahay mid fudud,welina kama hadlin saraakiisha laamaha Amniga Soomaaliya.

- Advertisement -

Qaraxyada dhejiska ah ee Gawaarida lagu dhejiyo ayaa inta badan ka dhaca Magalada Muqdisho,waxaana horay loogu xiray oo u geeriyooday,Saraakiil Xildhibaano iyo dad kale.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts