HomeWararOdayaasha Koonfur Galbeed oo dalbaday in dib loo dhigo doorashada

Odayaasha Koonfur Galbeed oo dalbaday in dib loo dhigo doorashada

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Iyada oo  maanta magaalada Baydhabo lagu qabtay kullan ay musharaxiinta u tartamaysa doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay ku soo bandhigeen khudbadahooda ayaa odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed waxaa ay shegeen inay haboontahay in doorashada dib loo dhigo. Xaaladda magaalada Baydhabo oo maalamahan ba kacsaneyd kadib markii dowladda Federaalka ay xabsiga dhigtay Mukhtaar […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyada oo  maanta magaalada Baydhabo lagu qabtay kullan ay musharaxiinta u tartamaysa doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay ku soo bandhigeen khudbadahooda ayaa odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed waxaa ay shegeen inay haboontahay in doorashada dib loo dhigo.

Xaaladda magaalada Baydhabo oo maalamahan ba kacsaneyd kadib markii dowladda Federaalka ay xabsiga dhigtay Mukhtaar Robow oo kamid ah musharixiinta doorashada ayaa odayaasha dhaqanka waxaa ay sidoo kale sheegeen in jawiga hada uusan aheyn mid sahlaya in doorasho la qabto.

- Advertisement -

”Intii jawi degan laga helayo, dadka na laga la hadlayo oo xaaladda ay ka degeyso waxaan ugu baaqnay guddiga doorashaeda iyo ku-simaha madaxweynaha in dib loo dhigo doorashada”. Sidaasi waxaa yiri Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo ka mid ah odayaasha Koonfur Galbeed.

Qaar kamid ah odayaasha Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay faraha kala baxdo doorashada, si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Kullanka maanta ay musharixiinta ku jeediyeen khudbadaha ayaa waxaan ka qeyb qeybgelin  Sheekh Mukhtaar Roobow oo ka mid ah musharaxiinta doorashadaasi kaas oo haatan ku xiran magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Malaaq Cali Cabdiraxmaan ayaaa sidoo kale BBC-da u sheegay in Mukhtar Robow ay qabteen ciidammada Itoobiya ee jooga Baydhabo, inkastoo Midowga Afrika ay sheegeen in ciidammadooda AMISOM aysan wax lug ah ku lahayn xarigga Mukhtaar Rooboow iyo Xiisadda ka taagan magaalada Baydhabo.

BBC SOMALI

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts