HomeWararDhuusamareeb:Jadwalka doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo la soo saaray

Dhuusamareeb:Jadwalka doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo la soo saaray

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Guddiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug garabka Magalada dhuusamareeb ee dhawaan sheegay inay xilkii ka qaadeen Cali gacal Casir ayaa waxa ay soo saareen jadwalka doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug. Kulan ay ku yeesheen Magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay ku sheegeen in codsiyada Xubnaha isasoo sharaxaya ay Maanta oo Khamiis ah bilaaban doonto […]

- Advertisement -

Guddiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug garabka Magalada dhuusamareeb ee dhawaan sheegay inay xilkii ka qaadeen Cali gacal Casir ayaa waxa ay soo saareen jadwalka doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Kulan ay ku yeesheen Magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay ku sheegeen in codsiyada Xubnaha isasoo sharaxaya ay Maanta oo Khamiis ah bilaaban doonto kuna egtahay 22-ka bishan oo ku beegan Maalinta sabtida.

- Advertisement -

Xoghayaha gudiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Xildhibaan Mire ayaa sidoo kale sheegay in 23-ka bishan Xildhibaanada su’aalo weedyiin doonaan musharixiinta,halka hadal jeedinta ay noqon doonto 24-ka bishan oo ku beegan Maalinta Isniinta ah.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ay dhici doono 25-ka Bishaan Maalinta talaadada ah ee soo socota.

Si kastaba tallaabada ayaa ku soo aadeysa xilli Magalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ay ku sugan yihiin guddigii Aqalka sare u xil saaray xalinta khilaafka Dowladda iyo dowlad Goboleedyada.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddiga doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa waxa ay soo bandhigeen shuruudaha looga baahan yahay musharixiinta guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

Latest stories