HomeWararGuddiga Amniga Qaranka oo go’aanno ka soo saaray waddooyinka xiran ee Muqdisho

Guddiga Amniga Qaranka oo go’aanno ka soo saaray waddooyinka xiran ee Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Guddiga Amniga Qaranka oo kulan ku yeeshay caawa magaalada Muqdisho ayaa soo saaray awaamiir ku aaddan amniga caasimadda iyo Dekedda Muqdisho. Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray guddiga Amniga Qaranka, si looga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka caasimadda, dood dheer oo ay yeesheen guddiga keddib waxa ay soo saareen qodobbada soo socda. […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga Amniga Qaranka oo kulan ku yeeshay caawa magaalada Muqdisho ayaa soo saaray awaamiir ku aaddan amniga caasimadda iyo Dekedda Muqdisho.

Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray guddiga Amniga Qaranka, si looga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka caasimadda, dood dheer oo ay yeesheen guddiga keddib waxa ay soo saareen qodobbada soo socda.

- Advertisement -

Guddiga waxa uu falanqeyn iyo doodo keddib  boggaadiyey ciidammada amniga sida ay uga jawaabbeen ficillada argagixisada, isla markaana ay u hor joogsadeen nabad-diidka oo doonayey in ay  shacabka masaakiinta ah u geystaan khasaare xooggan

Guddiga waxa uu tacsi u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ku waxyeelloobey falalkii u dambeeyey ee Argagixisada Al-shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho.

Iyadoo si dhaqsi leh looga jawaab celinayo cabashada shacabka Guddiga Amniga Qaranka ayaa  go’aamiyey in muddo 48 saacadood ah lagu furo waddooyinka xiran sida  Soddonka, Maka Al-mukarramma, Afisyooni iyo kuwa kale ee la midka ah, ciidammada amniguna ay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta iyo xasllinta nabadgelyada caasimadda.

- Advertisement -

Guddigu waxa ay ku amreen Wasaaradaha, Maaliyadda, Gaadiidka,   iyo maamulka gobolka Benaadir in ay  dib u eegis ku sameeyaan hannaanka isticmaalka waddooyinka caasimadda, macdamaa ay sii kordheen tirada Gaadiidka iyo Bajaajyada ee soo galeysa gobolka Benaadir.

Sidoo kale Guddiga ayaa isku raacay in Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha, Amniga iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadeen qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, tan oo ka jawaabeysa baahiyaha Ganacsi ee  ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts