HomeWararAMISOM oo beenisay in Madaafiic ay ku garaaceen Magaaladda Marka

AMISOM oo beenisay in Madaafiic ay ku garaaceen Magaaladda Marka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Howgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM, ayaa shalay oo Arbaco aheed diiday soo saaray warbixin diideysa in ciidamada AMISOM, ay madaafiic ku garaaceen dadka Deegaanka Magaaladda Marka. Warsaxaafadeed ay soo saareen Midowga Africa ee AMISOM, ayaa lagu sheegay in aan waxba ka jirin war sheegaya in ciidamada AMISOM ay madaafiic ku weerareen dadka ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Howgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM, ayaa shalay oo Arbaco aheed diiday soo saaray warbixin diideysa in ciidamada AMISOM, ay madaafiic ku garaaceen dadka Deegaanka Magaaladda Marka.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Midowga Africa ee AMISOM, ayaa lagu sheegay in aan waxba ka jirin war sheegaya in ciidamada AMISOM ay madaafiic ku weerareen dadka ku nool Marka.

- Advertisement -

Ciidamaa ayaa waxaa ay saldhig ay ku leeyihiin Xeradda Ayuub oo ku taala duleedka Magaalada Marka, ee xaruunta gobolka Shabeellaha Hoose.

” Madaafiicda ay dadka deegaanka ay maqleen waxaa ay aheed, hub ay ciidamadu ay tijaabinayaan, iyo dhaq-dhaqaaq ciidan, waxaa ku wargalinay maamulka degmada in hub ay ciidamdu ay tijaabinayaan ka hor inta aan la tijaabin hubka” . sidaasi waxaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Arbacadii lasoo dhaafay, dadka deegaanka oo la hadlay Baranaamijka Saaka iyo Soomaaliya ee ka baxa idaacadda Dalsan waxaa ay u sheegeen in ay magaaladda ka maqleen madaafiic iyo raasaas xoog badan oo ay sheegeen in ay qal-qal ay ku abuurtay.

- Advertisement -

Dadka deegaanka sidoo kale waxaa sheegeen in madaafiicda laga soo tuurayay Xerada Ayuub ee duleedka Magaalada Marka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamada AMISOM, lagu eedeeyay madaafiic iyo rasaas ay ku waxyeeleeyaan dadka ku nool deegaanadda ay joogaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts