HomeWararMadaxweynaha iyo Golaha Wasiiradda oo Kulan Degdeg ah ka yeeshay sida...

Madaxweynaha iyo Golaha Wasiiradda oo Kulan Degdeg ah ka yeeshay sida looga hortegi karo Falalka Alshabaab.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Jamhuuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  oo ka soo laabtay dalka Jabuuti ayaa shir guddomiyey  kulankii ay xubnaha  golaha Wasiirada ay xalay yeesheen. Shirkaasi oo socday muddo dhowr saacadood, waxaa lagu go’aamiyey in  Dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto howlgal ballaaran oo lagula dagaallamayo kooxda Alshabaab , kaasi oo ay horumuud ka noqonayaan Madaxda sare […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  oo ka soo laabtay dalka Jabuuti ayaa shir guddomiyey  kulankii ay xubnaha  golaha Wasiirada ay xalay yeesheen.

Shirkaasi oo socday muddo dhowr saacadood, waxaa lagu go’aamiyey in  Dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto howlgal ballaaran oo lagula dagaallamayo kooxda Alshabaab , kaasi oo ay horumuud ka noqonayaan Madaxda sare ee  dalka si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Shirka Madaxweynaha iyo Golaha Wasiiradda xalay yeesheen waxaa kaloo ka  qayb galay  Taliyeyaasha ciidanka Boliska, Nabad sugida iyo sirddoonka Qaranka  waxana looga dhagaystay  warbixinno la xariirta xaladda amniga dalka  iyo qaraxyada ka dhacay magalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ee gobollada Benaadir iyo Bay.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federalka, Maxamed Cabdi Xayir Mareeye  oo shirka kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shirka la isku raacay in la qaado howlgallo lagu badbaadinayo shacabka, laguna cirib tirayo maleeshiyada Al-Shabaab.

Wasiir Maareeye waxa uu xusay inay Xukuumadda Federalka ka tacsideynayaan dadkii  xalay ku geeriyooday weerarkii ka dhacay magaalada Baydhabo, oo ay ku geeriyoodeen ilaa 30-qof oo uu ku jiray Wasiir-ku-xigeenkii   Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta ee Dowlad-gobaleedka K/Glabeed Somalia.

- Advertisement -

Alshabaab ayaa sheegatay inay ka dambeeyeen qaraxyaddaasi.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts