HomeWararBayaanka ay Jabuuti ka soo saareen Madaxda Dowladaha ay ciiddanka ka joogaan...

Bayaanka ay Jabuuti ka soo saareen Madaxda Dowladaha ay ciiddanka ka joogaan Somalia.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxdaasi oo shalay Kulan Khaas ah ku yeeshay caasimadda dalka Jabuuti waxay isku raaceen War-murtiyeed ka kooban 20-qoddob iyo in si dhamaystiran Ciiddamo ka tirsan AMISOM loogu daad-gureeyo qeybaha ay ka socdaan Hawlgalladda, gaar ahaan Gobalka Gedo. War-murtiyeedka waxaa kaloo taageero loogu muujiyey Taliyaha Ciiddanka AMISOM iyo in  Isla-xisaabtam dhab ah ka dhex jiro Ciiddanka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxdaasi oo shalay Kulan Khaas ah ku yeeshay caasimadda dalka Jabuuti waxay isku raaceen War-murtiyeed ka kooban 20-qoddob iyo in si dhamaystiran Ciiddamo ka tirsan AMISOM loogu daad-gureeyo qeybaha ay ka socdaan Hawlgalladda, gaar ahaan Gobalka Gedo.

War-murtiyeedka waxaa kaloo taageero loogu muujiyey Taliyaha Ciiddanka AMISOM iyo in  Isla-xisaabtam dhab ah ka dhex jiro Ciiddanka AMISOM iyo Qalabkooda iyadoo hawshaasi looga dambeynayo Hoggaanka Guud ee Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ee Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM.

- Advertisement -

War-murtiyeedka waxaa kaloo lagu xusay baahida loo qabo Isku-xirka wanaagsan ee Hawlgalladda iyo Loojistikadda iyo Iskaashiga AMISOM kala dhexeeya Ciiddanka Ammaanka Qaranka Somalia (Somali National Security Forces (SNSF) iyo Xafiiska QM  ee Somalia ee UNSOS.

Dhinaca kale, Shirka Madaxda Dowladaha ay ciiddanka ka joogaan Somalia ee ka qeyb galay Shirkii Jabuuti ayaa waxay kala ahaayeen Madaxweynayaasha Jabuuti, Kenya, Somalia, Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Wasiiru-dowlaha Difaaca ee Uganda, Jeje Odong.

Waxaa kaloo Kulankaasi ka qeyb galay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Nigeria, Maanor Maxamed Daan Cali.

- Advertisement -

WAR MURTIYEED WM3 WM2

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts