HomeWararRa’iisul Wasaare Sharmaarke oo dalka dib ugu soo laabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Sharmaarke oo dalka dib ugu soo laabtay Muqdisho

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib markii uu safar ku tagay dalalka Turkiga iyo Greece, iyadoo garoonka diyaaradaha ay kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Gole ee Dawladda. Mudane Cumar ayaa magaalada Istanbul uga qayb galay shirka sadexaad ee Madasha Iskaashiga Heerka Sare (HLPF), […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib markii uu safar ku tagay dalalka Turkiga iyo Greece, iyadoo garoonka diyaaradaha ay kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Gole ee Dawladda.

Mudane Cumar ayaa magaalada Istanbul uga qayb galay shirka sadexaad ee Madasha Iskaashiga Heerka Sare (HLPF), oo uu marti-geliyay Mudane Recep Tayyip ErdoÄŸan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, waxana sidoo kale uu kulamo la qaatay madax sare oo ka tirsan dowladda Turkiga.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirkaas uu guul ku soo dhamaaday, isla markaana ay ka soo baxeen qodobo muhiim ah oo waxtar u leh geeddi socodka doorashada sanaddan 2016 ka dhici doonta Soomaaliya iyo sidii horey loogu wadi lahaa taageerada uu Caalamku siiyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqday dalka Greece, isagoo la kulmay Madaxweynaha dalkaas Prokopis Pavlopoulos, waxana ay ka wada-hadleen arrimaha horumarinta iyo danaha ka dhexeeya labada Qaran. Iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha la xiriira soo galootiga, gaar ahaan Soomaalida doonaya iney gaaraan qeybo ka mid ah dalalka Yurub, oo marin u yahay dalka Greece.

“Wadahadalladii laba-geedoodka ahaa ee na dhex-maray madaxda Greece waxaa lagu xoojinayay xiriirka labada dal, iyadoo sidoo kale laga wada arrinsaday dhinacyada horumarinta iyo meelaha ay naga taageeri karaan.”ayuu yiri R/Wasaare Sharmaarke.

- Advertisement -

RW1 RW4 RW3 RW5 RW6

—–DHAMMAAD—

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Somalia 
media.opm@gmail.com 
Twitter: @SomaliPM

 

 

Latest stories