HomeWararUhuru Kenyatta oo baadigoobayo isbahaysiga dalalka deriska, si ay guluf ugu qaadaan...

Uhuru Kenyatta oo baadigoobayo isbahaysiga dalalka deriska, si ay guluf ugu qaadaan Alshabaab.

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Uhuru Kenyatta ayaa si carro leh uga hadlay weerarkii ay Alshabaab dhawaan ku qaadeen Saldhig ay Askarta Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo, wuxuuna sheegay inaan marnaba Ciiddankiisa laga soo saari doonin Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan Alshabaab heli doonin nasasho, isla markaana la kordhin doono weeraradda ka dhanka ah, waa sida uu hadalka u yiri.

“Kuwa weerarka nagu soo qaaday, waxay u maleeyaan inay na cabsi gelin karaan, ma heli doonaan fursad ay ku neefsadaan,kuna nastaan” ayuu yiri Uhuru Kenyattaoo shalay ka hadlay Isku-soo-bax shalay ka dhacay Dugsiga Hoose ee Langa Baya ee Degmadda Killifi.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay inuu badaigoobayo Isbahaysi Ballaaran oo Dowladaha deriska ah, si  dagaal mideysan iyo guluf ugu qaadaan Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Aadan Barre Ducaale oo Aqlabiyad ku leh Barlamaanka Kenya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay u codeeyaan haddii uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta codsado in la kordhiyo Ciiddanka Kenya ka jooga gudaha Somalia.

Waxa kaloo uu sheegay haddii la daadiyo dhiigga Askarta Kenya inay toban jeer u aar-gudi doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, Askarta Kenya ayaa la sheegay inuu khasaaro xooggan ka soo gaaray weerarkii ugu dambeeyey ee ay Alshabaab la beegsadeen, marka loo barbar dhigo weeraradii hore ee lagu qaadi jirey tan iyo markii ay Askarta Kenya soo galeen Somalia bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii.

UHURU KENYATTA

© Radio Dalsan       

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories