HomeWarar(TOP NEWS): Turkiga oo Saldhig Milliteri ka dhisanayo Xeebaha Somalia.

(TOP NEWS): Turkiga oo Saldhig Milliteri ka dhisanayo Xeebaha Somalia.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee Haber7 ee ku dhow Dowladda Turkiga, Milliteriga Turkiga ayaa lagu wadaa inay Saldhig Milliteri ka dhistaan Somalia, gaar ahaan Deegaanadda ku teedsan Xeebaha Gacanka Carbeed ee Istaraatijiyadda leh.. Saldhigaasi ayaa noqon doona Saldhigii ugu horreeyey ee ay Turkiga ka dhistaan Qaaradda Afrika, waxaana Saldhigaasi ka hawl-geli doona 200 […]

- Advertisement -

Sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee Haber7 ee ku dhow Dowladda Turkiga, Milliteriga Turkiga ayaa lagu wadaa inay Saldhig Milliteri ka dhistaan Somalia, gaar ahaan Deegaanadda ku teedsan Xeebaha Gacanka Carbeed ee Istaraatijiyadda leh..

Saldhigaasi ayaa noqon doona Saldhigii ugu horreeyey ee ay Turkiga ka dhistaan Qaaradda Afrika, waxaana Saldhigaasi ka hawl-geli doona 200 Askar Turkish ah, kuwaasi oo carbis siinayo Ciiddamo ka tirsan kuwa Dowladda Federalka.

- Advertisement -

Shabakadda Haber7 waxa kaloo ay qortay in Saldhigaasi lagu tababari doono Ciiddamo Somali oo tiradoodu gaarayso 15,000 Askari iyo kuwo kale oo Afrikaan ah.

Dhinaca kale, Wargeyska Maalinlaha ee Sabaax ee ka soo baxa Turkiga ayaa qoray inay QM iyo Ururka Midowga Afrika ee AU ansixiyeen Dhismaha Saldhigaasi oo noqon doona Saldhigga Labaad ee ay Turkiga ka dhistaan Somalia.

Bishii hore, Dowladda Turkiga waxay sheegtay inay Xarun lagu tababaro Ciiddanka Somalia laga furi doono magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Saldhigga ay Turkiga ka dhisanayaan Xeebaha Somalia ayaa ah kii Labaad ee ay ka hirgeliyaan Waddan ka tirsan Dowladaha Carbeed.

Milliteriga Turkiga waxay Saldhig Milliteri ka furteen dalka Qatar, kaasi oo u qaabilsanaan doonaan Carbiska Ciiddanka Qatar iyo Wershadaha lagu farsameeyo Hubka iyo Gaadiidka Milliteriga.

Dowladaha Turkiga iyo Qatar waaxay heshiiskaasi kala saxiixdeen bishii December 19-dii ee sannadkii 2014-kii.

saldhig TURKISH 2

SALDHIG222

© Radio Dalsan       

Latest stories