HomeWararKenya oo Daacish ku tuhunsan weerarkii Ceel-cadde.

Kenya oo Daacish ku tuhunsan weerarkii Ceel-cadde.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Khubarada Milliteriga Kenya ayaa sheegay inay baarayaan haddii ay Kooxda Daacish gacan ku leedahay weerarkii Jimcihii la soo dhaafay lagu dilay, laguna dhaawacay Askar Kenyan ah oo ku sugnaa Saldhigga Ceel-cadde ee Gobalka Gedo. Ilo Milliteri ayaa sheegay inuu weerarkaaas u qaab eg yahay weeraradda Daacish ka geystaan dalalka Iraq iyo Syria. Taliyaha Ciiddanka Kenya, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Khubarada Milliteriga Kenya ayaa sheegay inay baarayaan haddii ay Kooxda Daacish gacan ku leedahay weerarkii Jimcihii la soo dhaafay lagu dilay, laguna dhaawacay Askar Kenyan ah oo ku sugnaa Saldhigga Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Ilo Milliteri ayaa sheegay inuu weerarkaaas u qaab eg yahay weeraradda Daacish ka geystaan dalalka Iraq iyo Syria.

- Advertisement -

General Samson MwathetheTaliyaha Ciiddanka Kenya, Samson Mwathethe ayaa sheegay in kooxihii weerarka geystay u adeegsadeen 3 gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, oo labo ka mid ah lala eegtay Ciiddanka Kenya, halka gaari kalena lagu qarxiyey Qeybta ay Ciiddanka Dowladda Federalka ka degganaayeen Saldhigga Ceel-cadde.

Waxa uu intaasi ku daray inay qaraxyadaasi sababeen inay bohol weyn oo 200-mitir ah ka sameysanto halkii uu gaarigu ku qarxay.

Taliyaha waxa uu tilmaamay in mid ka mid ah Gaadiidka loo adeegsaday Weerarkii Ceel-cadde ahaa Gaari Gaashaaman oo ay Alshabaab sannadkii hore ka soo furteen Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah AMISOM.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab gaarigaasi ku haysteen meel 40-KM Waqooyiga kaga toosan Saldhigga Ceel-cadde, ka hor inta aan lagu soo weerarin Ciiddanka Kenya ee ku sugnaa Saldhigga Ceel-cadde.

Dhinaca kale, Alshabaab ayaa horey u shaacisay inay ka dambeeyeen Weerarkii Ceel-cadde, inkastoo ay Milliteriga Kenya tuhun ka qabaan inay Daacish ku lug lahaayeen Weerarkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Shabakadda Wararka ee Globalsecurity.org ayaa ka soo xigatay Khubarada ku takhasustay Cilmi-baarista Ammaanka  in isticmaalka Gaadiidka laga soo buuxiyo waxyaabaha qarxa (The use of vehicle-borne improvised explosive devices (VBIED) tahay Farsamo soo koraysa oo ay Daacish u adeegsadaan weeraradda.

Bishii la soo dhaafay ee December, Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinnet ayaa ka digay inay jiraan Dagaalyahano ka go’ay Alshabaab, kuna biiray Kooxda Daacish, kuwaasi oo ku sugan gudaha dalka Kenya.

© Radio Dalsan       

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts