HomeWararSomali ku nool magaallo ka tirsan Maraykanka oo cabasho soo jeediyey

Somali ku nool magaallo ka tirsan Maraykanka oo cabasho soo jeediyey

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

In ka badan Kun qof oo Somali ah ayaa ku nool magaalladda Lexington ee dalka Marykanka, kuwaasi oo dareemayo inaan loola dhaqmin  sidii xubno ka tirsan Mujtamaca ku nool magaalladaasi. Websaytka Telefishinka nebraska.tv ayaa Warbixin ka qoray Xaalladda Soomaalida ku nool magaalladda Lexington, wuxuuna tilmaamay in 80% ku hadli karin ama qori karin Luqadda Englishka, […]

- Advertisement -

In ka badan Kun qof oo Somali ah ayaa ku nool magaalladda Lexington ee dalka Marykanka, kuwaasi oo dareemayo inaan loola dhaqmin  sidii xubno ka tirsan Mujtamaca ku nool magaalladaasi.

Websaytka Telefishinka nebraska.tv ayaa Warbixin ka qoray Xaalladda Soomaalida ku nool magaalladda Lexington, wuxuuna tilmaamay in 80% ku hadli karin ama qori karin Luqadda Englishka, taasi oo wax weyn u dhintay Isdhexgalka Bulshadaha kale.

- Advertisement -

lexiton

Inta badan dadka Soomaalida ee ku nool magaalladaasi waxay dareemayaan inaan la siinin Fursaddo Xaqiiqo oo ay ku baran karaan Luqadda Englishka.

Guddoomiyaha Jaalliyadda Soomaalida deggan magaalladda Lexington, Shukri Cabdi ayaa sheegtay inay 300 oo ka mid ah Jaalliyadda Soomaalida yihiin Muwaadiniin Maraykan oo ay haystaan Kaarka Green Cards-ka.

- Advertisement -

Waxay sheegtay inaysan Maamulka Dowladda Hoose culayska saarin inay tixgeliyaan Jaalliyadda Soomaalida tixgeliyo, waxayna qirtay inay dhowr jeer Duqa magaalladda Leksington, John Fogot kala hadleen mas’uuliyadda ka saaran tahay Baahida Mujtamaca Soomaalida.

Waxay kaloo sheegtay inay ka codsadeen in la siiyo Xarumo ay carruurta Soomaalida ku bartaan Luqadda Englishka iyo Barnaamijyo Khaas u ah dadka waa weyn si ay u bartaan Luqadda Englishka.

Dhinaca kale, Duqa magaalladda Lexington, John Fagot waa uu iska difaacay Eedeymahaasi, wuxuuna tilmaamay inay Soomaalida doonayaan in loo keeno Macallimiin yaqaana Luqaddaha Soomaaliga iyo Englishka, taasi oo uu xusay inaysan awoodin

 © Radio Dalsan       

Latest stories