HomeWararSomali ku nool magaallo ka tirsan Maraykanka oo cabasho soo jeediyey

Somali ku nool magaallo ka tirsan Maraykanka oo cabasho soo jeediyey

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

In ka badan Kun qof oo Somali ah ayaa ku nool magaalladda Lexington ee dalka Marykanka, kuwaasi oo dareemayo inaan loola dhaqmin  sidii xubno ka tirsan Mujtamaca ku nool magaalladaasi. Websaytka Telefishinka nebraska.tv ayaa Warbixin ka qoray Xaalladda Soomaalida ku nool magaalladda Lexington, wuxuuna tilmaamay in 80% ku hadli karin ama qori karin Luqadda Englishka, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

In ka badan Kun qof oo Somali ah ayaa ku nool magaalladda Lexington ee dalka Marykanka, kuwaasi oo dareemayo inaan loola dhaqmin  sidii xubno ka tirsan Mujtamaca ku nool magaalladaasi.

Websaytka Telefishinka nebraska.tv ayaa Warbixin ka qoray Xaalladda Soomaalida ku nool magaalladda Lexington, wuxuuna tilmaamay in 80% ku hadli karin ama qori karin Luqadda Englishka, taasi oo wax weyn u dhintay Isdhexgalka Bulshadaha kale.

- Advertisement -

lexiton

Inta badan dadka Soomaalida ee ku nool magaalladaasi waxay dareemayaan inaan la siinin Fursaddo Xaqiiqo oo ay ku baran karaan Luqadda Englishka.

Guddoomiyaha Jaalliyadda Soomaalida deggan magaalladda Lexington, Shukri Cabdi ayaa sheegtay inay 300 oo ka mid ah Jaalliyadda Soomaalida yihiin Muwaadiniin Maraykan oo ay haystaan Kaarka Green Cards-ka.

- Advertisement -

Waxay sheegtay inaysan Maamulka Dowladda Hoose culayska saarin inay tixgeliyaan Jaalliyadda Soomaalida tixgeliyo, waxayna qirtay inay dhowr jeer Duqa magaalladda Leksington, John Fogot kala hadleen mas’uuliyadda ka saaran tahay Baahida Mujtamaca Soomaalida.

Waxay kaloo sheegtay inay ka codsadeen in la siiyo Xarumo ay carruurta Soomaalida ku bartaan Luqadda Englishka iyo Barnaamijyo Khaas u ah dadka waa weyn si ay u bartaan Luqadda Englishka.

Dhinaca kale, Duqa magaalladda Lexington, John Fagot waa uu iska difaacay Eedeymahaasi, wuxuuna tilmaamay inay Soomaalida doonayaan in loo keeno Macallimiin yaqaana Luqaddaha Soomaaliga iyo Englishka, taasi oo uu xusay inaysan awoodin

 © Radio Dalsan       

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts