HomeWararCiiddan ka tirsan kuwa Dowladda Federalka oo ku geeriyootay Qarax ka dhacay...

Ciiddan ka tirsan kuwa Dowladda Federalka oo ku geeriyootay Qarax ka dhacay Afgooye.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Gaari Tekniko ah oo ay la socdeen Ciiddan ka tirsan kuwa Dowladda Federalka ayaa waxaa qarax lagu eegtay Deegaanka Buulo-Folyo oo 3-KM u jirta Degmadda Afgooye. Gaariga oo noociisu ahaa Land Crusier Pick Up oo ay Soomaalida u yaqaanaan Cabdi Bile ayaa waxa uu ka ambabaxay magaalladda Muqdisho, waxayna Ciiddanka ku sii jeedeen Xeradooda oo […]

- Advertisement -

Gaari Tekniko ah oo ay la socdeen Ciiddan ka tirsan kuwa Dowladda Federalka ayaa waxaa qarax lagu eegtay Deegaanka Buulo-Folyo oo 3-KM u jirta Degmadda Afgooye.

Gaariga oo noociisu ahaa Land Crusier Pick Up oo ay Soomaalida u yaqaanaan Cabdi Bile ayaa waxa uu ka ambabaxay magaalladda Muqdisho, waxayna Ciiddanka ku sii jeedeen Xeradooda oo ku taalla Deegaanka Laanta Buur.

- Advertisement -

Ugu yaraan 7 Askari ayaa la sheegay inay ku geeriyootay qaraxaasi, halka dhowr kalena ku dhaawacmeen, kuwaasi oo haatan lagu daaweynayo Isbitaalka Madiina ee magaalladda Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaariga uu jiiray miino lagu aasay Waddada, taasi oo keentay inuu gaarigu qarxo.

Dhinaca kale, Ciiddanka Ammaanka ee Degmadda Afgooye ayaa soo gaaray goobtii uu qaraxu ka dhacay, waxayna bilaabeen baaritaano lagu baacsanayo Kooxihii ka dambeeyey qaraxaasi.

- Advertisement -

©Radio Dalsan        

Latest stories