HomeWararDowladaha Somalia, Ethiopia iyo Kenya oo ka wada hadlayo Ammaanka Xuduudka ay...

Dowladaha Somalia, Ethiopia iyo Kenya oo ka wada hadlayo Ammaanka Xuduudka ay wadaagaan.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Saraakiil Heer Gobal oo ka kala socda dalalka Somalia, Kenya iyo Ethiopia ayaa waxay ku kulansan yihiin magaalladda Mandera ee W/bari Kenya, oo ay kaga xaajoonayaan Xaalladda Ammaanka ee Xuduudka Saddexda Waddan. Shirka oo ay maalgelisay Hay’adda Miino-saarka dalka Denmark ee loo yaqaano “The Danish Demining Group” ayaa waxay Ergooyinka ku eegi doonaan qaababka ugu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saraakiil Heer Gobal oo ka kala socda dalalka Somalia, Kenya iyo Ethiopia ayaa waxay ku kulansan yihiin magaalladda Mandera ee W/bari Kenya, oo ay kaga xaajoonayaan Xaalladda Ammaanka ee Xuduudka Saddexda Waddan.

Shirka oo ay maalgelisay Hay’adda Miino-saarka dalka Denmark ee loo yaqaano “The Danish Demining Group” ayaa waxay Ergooyinka ku eegi doonaan qaababka ugu wanaagsan ee lagu xaqiijin karo Ammaanka Xuduudaha iyo sidii ay Bulshooyinka si nabad ah isaga kala gudbi lahaayeen Xuduudka.

- Advertisement -

Wakiil ka socday Hay’adaasi oo lagu magacaabo Aden Mohamed ayaa sheegay inuu kulanka talada ugu wanaagsan  siin doonaan Dowladaha si ay u maareeyaan Ammaanka Xuduudka ay wadaagaan.

Shirkaasi ka furmay Mandera waxaa kaloo lagu eegi doonaa qorshaha Kenya ku doonayso inay Derbi kaga dhisaan xuduudka ay la wadaagaan Somalia, iyadoo ay Dowladda Somalia ka soo horjeedo arrintaasi.

Kulanka ay Saraakiisha ka kala socda Somalia, Kenya iyo Ethiopia u furmay ayaa ku soo beegmay iyadoo ay Alshabaab weeraro cusub ka geysteen Mandera Toddobaadkii la soo dhaafay.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa qeylo-dhaan ka muujiyey Khilaafka Dowladaha Somalia iyo Kenya ee ku aadan dhinaca Xuduudka, wuxuuna tilmaamay inuu Ururka Midowga Afrika kala hadli doono Mashaqadaasi, si xal loogu helo.

Museveni waxa uu Khilaafkaasi ku tilmaamay Dagaal Qabow oo u dhexeeya Somalia iyo Kenya.

© Radio Dalsan                           

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts