HomeWararDowladaha Somalia, Ethiopia iyo Kenya oo ka wada hadlayo Ammaanka Xuduudka ay...

Dowladaha Somalia, Ethiopia iyo Kenya oo ka wada hadlayo Ammaanka Xuduudka ay wadaagaan.

Date:

Related stories

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada 2026

Hano Academy iyo Hano Technical University ayaa si wadajir ah u xusay Maalinta Caalamiga ah ee Xirfadaha Dhallinyarada, iyagoo soo bandhigay fursadaha waxbarasho iyo tababarrada xirfadeed si loogu diyaariyo dhallinyarada Soomaaliyeed mustaqbalka shaqada. Chancellor Dr. Sadiya Siad ayaa ku boorrisay ardayda inay ka faa'iidaystaan fursadaha xirfadeed

Saraakiil Heer Gobal oo ka kala socda dalalka Somalia, Kenya iyo Ethiopia ayaa waxay ku kulansan yihiin magaalladda Mandera ee W/bari Kenya, oo ay kaga xaajoonayaan Xaalladda Ammaanka ee Xuduudka Saddexda Waddan. Shirka oo ay maalgelisay Hay’adda Miino-saarka dalka Denmark ee loo yaqaano “The Danish Demining Group” ayaa waxay Ergooyinka ku eegi doonaan qaababka ugu […]

- Advertisement -

Saraakiil Heer Gobal oo ka kala socda dalalka Somalia, Kenya iyo Ethiopia ayaa waxay ku kulansan yihiin magaalladda Mandera ee W/bari Kenya, oo ay kaga xaajoonayaan Xaalladda Ammaanka ee Xuduudka Saddexda Waddan.

Shirka oo ay maalgelisay Hay’adda Miino-saarka dalka Denmark ee loo yaqaano “The Danish Demining Group” ayaa waxay Ergooyinka ku eegi doonaan qaababka ugu wanaagsan ee lagu xaqiijin karo Ammaanka Xuduudaha iyo sidii ay Bulshooyinka si nabad ah isaga kala gudbi lahaayeen Xuduudka.

- Advertisement -

Wakiil ka socday Hay’adaasi oo lagu magacaabo Aden Mohamed ayaa sheegay inuu kulanka talada ugu wanaagsan  siin doonaan Dowladaha si ay u maareeyaan Ammaanka Xuduudka ay wadaagaan.

Shirkaasi ka furmay Mandera waxaa kaloo lagu eegi doonaa qorshaha Kenya ku doonayso inay Derbi kaga dhisaan xuduudka ay la wadaagaan Somalia, iyadoo ay Dowladda Somalia ka soo horjeedo arrintaasi.

Kulanka ay Saraakiisha ka kala socda Somalia, Kenya iyo Ethiopia u furmay ayaa ku soo beegmay iyadoo ay Alshabaab weeraro cusub ka geysteen Mandera Toddobaadkii la soo dhaafay.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa qeylo-dhaan ka muujiyey Khilaafka Dowladaha Somalia iyo Kenya ee ku aadan dhinaca Xuduudka, wuxuuna tilmaamay inuu Ururka Midowga Afrika kala hadli doono Mashaqadaasi, si xal loogu helo.

Museveni waxa uu Khilaafkaasi ku tilmaamay Dagaal Qabow oo u dhexeeya Somalia iyo Kenya.

© Radio Dalsan                           

Latest stories