HomeWararHaweeney Muslimad ah oo loo magacaabay inay Garsoore ka noqoto Maxkamadda New...

Haweeney Muslimad ah oo loo magacaabay inay Garsoore ka noqoto Maxkamadda New York.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Iyadoo ay Muslimiinta ku nool Maraykanka iyo kuwa Caalamka carro xooggan ka qaadeen Oraahdii Islaam-nacaybka ka muuqatay ee Musaharaxa Madaxtinimadda Maraykanka ee Donald J.Trump ku sheegay in Muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan Maraykanka, ayaa waxaa Muslimiinta u muuqata Rajo. Haweeney ka tirsan Muslimiinta Maraykanka Madow ayaa  waxaa bishan December 10-da ee sannadka 2015-ka loo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo ay Muslimiinta ku nool Maraykanka iyo kuwa Caalamka carro xooggan ka qaadeen Oraahdii Islaam-nacaybka ka muuqatay ee Musaharaxa Madaxtinimadda Maraykanka ee Donald J.Trump ku sheegay in Muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan Maraykanka, ayaa waxaa Muslimiinta u muuqata Rajo.

QAREEN MUSLIMAD USAHaweeney ka tirsan Muslimiinta Maraykanka Madow ayaa  waxaa bishan December 10-da ee sannadka 2015-ka loo magacaabay Xil Garsoore Maxkamadeed.

- Advertisement -

Haweeneydaasi oo lagu magacaaba Carolyn Walker-Diallo, waxaa xilkaasi loo doortay bishii hore ee November, waxaana shalay lagu dhaariyey Dhaarta Islaamka, iyadoo gacanta saartay Kitaabka Qur’aanka Kariimka munaasabad ka dhacday Dhismaha Brooklyn Burough Hall ee magaalladda New York.

Carolyn Walker-Diallo ayaa noqon doonta Garsooraha dhinaca Arrimaha Bulshadda ee 7th Municipal District ee magaalladda New York.

Websaytkeeda u gaarka ayeyna ku soo bandhigtay in Xilkaasi loo dhaariyey Bishan December 10-dii.

- Advertisement -

Halkan ka dallaaco: www.walkerdialloforjudge.com/

Sheila Abudsalam 1Dhinaca kale, Garsooradii Muslimad ee ugu horreysay ee ka hawlgasha Maxkamadaha Maraykanka waxaa lagu magacaabaa Sheila C/salaam, waa Maraykan asalkeedu Afrikaan yahay.

Sheila Abudsalam
Garsooraddu waxay haatan ka hawlgashaa Maxkamadda Sare ee Gobalka News York “ The New York State Supreme Court”.

Sannadkii 1992-kii waxaa markii ugu horreysay loo magacaabo Garsore Kaydka fadhiya,  kadibna waxay soo martay Xilal kala sarreeya ilaa haatan oo ay tahay Garsoorad ka hawlgasha Maxkamadda Sare ee Gobalka New York.

 

Carolyn Walker-Diallo 22 Carolyn Walker-Diallo 0003 Carolyn Walker-Diallo 333 Carolyn Walker-Diallo 777 QAREEN MUSLIMAD USA 2

© Radio Dalsan 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts