HomeWararDaacish oo la sheegay inay dad ka qoranayaan gudaha dalka Kenya.

Daacish oo la sheegay inay dad ka qoranayaan gudaha dalka Kenya.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Guddoomiyaha Degmadda Mandera, Fredrick Shisia ayaa hadalkaasi ku sheegay Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Dalka Kenya, oo ku beegnayd maalintii Sabtida ee la soo dhaafay. Waxa uu sheegay inay Kooxda Daacish ee ka go’day Xarakadda Alshabaab ay bilaabeen inay gudaha dalka Kenya ka qortaan Dhallinyarro ka mid noqda Daacishta Somalia. Hadalkiisa ayaa soo baxay dhowr maalmood kadib, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Degmadda Mandera, Fredrick Shisia ayaa hadalkaasi ku sheegay Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Dalka Kenya, oo ku beegnayd maalintii Sabtida ee la soo dhaafay.

Waxa uu sheegay inay Kooxda Daacish ee ka go’day Xarakadda Alshabaab ay bilaabeen inay gudaha dalka Kenya ka qortaan Dhallinyarro ka mid noqda Daacishta Somalia.

- Advertisement -

Hadalkiisa ayaa soo baxay dhowr maalmood kadib, markii  uu Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi qoray inuu Hoggaamiye ka tirsanaa Xarakadda Alshabaab, laguna tuhumayo inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Garissa uu ka goostay Alshabaab.

Taliyihii hore ee Dagaalamayaasha Alshabaab ee Gobalka J/hoose, Maxamed Kuno laguna naanayso Gacma-dheere uu dabayaaqadii bishii hore ee November ku biiray Kooxda Dowladda Islaamka ee Daacish ee ka dagaalanta dalalka Iraq iyo Syria.

Sarkaalkaasi oo ka soo jeeda Soomaalida-Kenya ayaa la sheegay inuu la baxsaday 1,200 dagaalyahan oo ay ku jiraan Dagaalamayaasha Kooxda Jaysh Aman ee hoos taga Ururka Alshabaab, kuna sugan Dhul-kaymaha ee Boni Forest iyo Deegaanka Raas Kambooni ee J/hoose.

- Advertisement -

Sirdoonka ka hawlgala Kenya waxay ka digeen inuu Maxamed Kuno “Gacma-dheere” qaadan doono Kaalinta Hoggaaminta Daacish ee gudaha dalka Kenya.

Dhinaca kale, Dowladda Kenya waxay horey lacag dhan 215,000 oo Dollar u dul-dhigtay soo-qabashadda Gacma-dheere, waxayna Ciiddanka Kenya dhowr jeer u sheegeen inay dileen  Sarkaalkaasi.

© Radio Dalsan      

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts