HomeWararRa'isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka oo ka hadlay dadaalka Nabadda ee Gaalkacayo

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka oo ka hadlay dadaalka Nabadda ee Gaalkacayo

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar uu ku tagay magaalooyinka Cadaado iyo Garowe, Ra’isul-wasaaraha oo shir jaraa’id ku qabtay Garoonka Aadan Cabdulle. Waxa uu rajo ka muujiyey  xal u helida colaada Gaalkacyo, wuxuuna xusay in kulamadii uu la qaatay hogaamiyeyaasha labada dhinac […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar uu ku tagay magaalooyinka Cadaado iyo Garowe,

Ra’isul-wasaaraha oo shir jaraa’id ku qabtay Garoonka Aadan Cabdulle. Waxa uu rajo ka muujiyey  xal u helida colaada Gaalkacyo, wuxuuna xusay in kulamadii uu la qaatay hogaamiyeyaasha labada dhinac ay u muujiyeen dabacsanaan iyo inay diyaar u yihiin in la joojiyo falalka gacan ka hadalka ah.

- Advertisement -

“Waxaan u soo saaray guddi heer wasiiro ah, waxayna gaari doonaan magaalada Gaalkacyo iyo goobihii gacan ka hadalku ka dhacay, waxaana rajeynayaa in xal waara oo nabadeed laga gaaro” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in dadka ku dhaqan degaanadaasi ay yihiin dad walaalo ah, loona baahan yahay inay khilaafaadkooda ku xalistaan miiska wada hadalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke waxa uu ugu dambeyntii ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh dagaalka magaalada Gaalkacyo inay si deg deg ah u joojiyaan, ayna dib uga fakaraan natiijada dagaalka, oo ah dhimasho, dhaawac, burbur hanti iyo barakac.

—-DHAMMAAD—-

- Advertisement -

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

 

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts