HomeWararRa'isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka oo ka hadlay dadaalka Nabadda ee Gaalkacayo

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka oo ka hadlay dadaalka Nabadda ee Gaalkacayo

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar uu ku tagay magaalooyinka Cadaado iyo Garowe, Ra’isul-wasaaraha oo shir jaraa’id ku qabtay Garoonka Aadan Cabdulle. Waxa uu rajo ka muujiyey  xal u helida colaada Gaalkacyo, wuxuuna xusay in kulamadii uu la qaatay hogaamiyeyaasha labada dhinac […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar uu ku tagay magaalooyinka Cadaado iyo Garowe,

Ra’isul-wasaaraha oo shir jaraa’id ku qabtay Garoonka Aadan Cabdulle. Waxa uu rajo ka muujiyey  xal u helida colaada Gaalkacyo, wuxuuna xusay in kulamadii uu la qaatay hogaamiyeyaasha labada dhinac ay u muujiyeen dabacsanaan iyo inay diyaar u yihiin in la joojiyo falalka gacan ka hadalka ah.

- Advertisement -

“Waxaan u soo saaray guddi heer wasiiro ah, waxayna gaari doonaan magaalada Gaalkacyo iyo goobihii gacan ka hadalku ka dhacay, waxaana rajeynayaa in xal waara oo nabadeed laga gaaro” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in dadka ku dhaqan degaanadaasi ay yihiin dad walaalo ah, loona baahan yahay inay khilaafaadkooda ku xalistaan miiska wada hadalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke waxa uu ugu dambeyntii ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh dagaalka magaalada Gaalkacyo inay si deg deg ah u joojiyaan, ayna dib uga fakaraan natiijada dagaalka, oo ah dhimasho, dhaawac, burbur hanti iyo barakac.

—-DHAMMAAD—-

- Advertisement -

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

 

 

 

Latest stories