HomeWararKalluumeysato Iiraaniyiin oo u itaal-sheegtay Burcad-baddeed qafaalatay dooni taagan Xeebta Xarardheere.

Kalluumeysato Iiraaniyiin oo u itaal-sheegtay Burcad-baddeed qafaalatay dooni taagan Xeebta Xarardheere.

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Wararka soo gaarayo Warqabadka Radio Dalsan waxay sheegayaan inay Kalluumeysatadii Iiraaniyiinta ee la socotay doonidii Kalluumeysiga iyo Burcad-baddeeda haystay uu dagaal ku dhex maray doonida dushooda oo taagan Xeebta Degmadda Xarar-dheere ee Gobalka Mudug.

Ugu yaraan 4 Burcad-baddeed ayaa la xaqiijiyey in la dilay, halka ugu yaraan 5 kalena la la’ yahay, kadib, markii ay Kalluumeysatada Iiraan u itaal-sheegteen.

Xaalladda ayaa kacsan, waxaana la sheegayaa inay gurnad heleen Burcad-baddeeda, balse ay ku adkaatay inay soo gaaraan, maadaama ay Kalluumeysatada Iiraan rasaas ku ridayaan doonyaha gurmadka.

Kalluumeysatada oo 15 qof ayaa waxaa bishan 22-kii laga soo qafaashay Gacan-biyoodka Cadmeed, meel ku dhow Xeebta Degmadda Eyl.

Wixii ku soo kordha waan idiin soo gudbin doonaa Insha Allaahu.

© Radio Dalsan    

 

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories