HomeWararSacuudiga oo xukun ku riday Muwaadin Syrian oo taageerayey Alshabaab iyo Alqaacida.

Sacuudiga oo xukun ku riday Muwaadin Syrian oo taageerayey Alshabaab iyo Alqaacida.

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Maxkamad Khaas ah oo ku taalla caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh waxay xabsi 19 sanno ku riday Muwaadin u dhashay dalka Syria, kaasi oo taageerayey Alshabaab iyo Alqaacida. Wargeyska Arab News oo daabacday Xukunka Maxkamadda ku riday Muwaadinka u dhashay dalka Syria ayaa qortay in Eedeysanaha sheegay in ay Madaxda Dowladaha Carabta yihiin kuwo Diin-laawayaal, […]

- Advertisement -

Maxkamad Khaas ah oo ku taalla caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh waxay xabsi 19 sanno ku riday Muwaadin u dhashay dalka Syria, kaasi oo taageerayey Alshabaab iyo Alqaacida.

Wargeyska Arab News oo daabacday Xukunka Maxkamadda ku riday Muwaadinka u dhashay dalka Syria ayaa qortay in Eedeysanaha sheegay in ay Madaxda Dowladaha Carabta yihiin kuwo Diin-laawayaal, loona bahaan yahay in la afgembiyo.

- Advertisement -

Eedeysanaha oo aan magaciisa la shaacin waxaa la sheegay inuu qorsheynayey inuu u soo ambabaxo Somalia, si uu ugu biiro Dagaalka Alshabaab kula jiraan Dowladda Federalka iyo AMISOM.

Eedeysanaha Kombiyuutarkiisa waxa laga helay dukumentiga Fasaxa Deganaanshaha Sacuudiga oo laq been abuuray, oo uu doonayey inuu ku soo galo Sacuudiga, mark uu ka soo laabto Somalia.

Wargeyska Arab News waxa kale oo uu qoray in Kombiyuutarka Eedeysanaha laga helay codadka Hoggaamiyayaasha Alshabaab iyo qaabka loo farsameeyo Bambooyinka.

- Advertisement -

Dhinaca kale, waxay Maxkamadda Khaaska ee magaalladda Riyadh xukuntay in Eedeysanaha laga dhoofiyo Sacuudiga marka uu xukunka 19-sanno dhamaysto, kuna soo laaban karin ilaa uu u imaanayo Xaj mooye.

 

Latest stories