HomeWararSacuudiga oo xukun ku riday Muwaadin Syrian oo taageerayey Alshabaab iyo Alqaacida.

Sacuudiga oo xukun ku riday Muwaadin Syrian oo taageerayey Alshabaab iyo Alqaacida.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Maxkamad Khaas ah oo ku taalla caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh waxay xabsi 19 sanno ku riday Muwaadin u dhashay dalka Syria, kaasi oo taageerayey Alshabaab iyo Alqaacida. Wargeyska Arab News oo daabacday Xukunka Maxkamadda ku riday Muwaadinka u dhashay dalka Syria ayaa qortay in Eedeysanaha sheegay in ay Madaxda Dowladaha Carabta yihiin kuwo Diin-laawayaal, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamad Khaas ah oo ku taalla caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh waxay xabsi 19 sanno ku riday Muwaadin u dhashay dalka Syria, kaasi oo taageerayey Alshabaab iyo Alqaacida.

Wargeyska Arab News oo daabacday Xukunka Maxkamadda ku riday Muwaadinka u dhashay dalka Syria ayaa qortay in Eedeysanaha sheegay in ay Madaxda Dowladaha Carabta yihiin kuwo Diin-laawayaal, loona bahaan yahay in la afgembiyo.

- Advertisement -

Eedeysanaha oo aan magaciisa la shaacin waxaa la sheegay inuu qorsheynayey inuu u soo ambabaxo Somalia, si uu ugu biiro Dagaalka Alshabaab kula jiraan Dowladda Federalka iyo AMISOM.

Eedeysanaha Kombiyuutarkiisa waxa laga helay dukumentiga Fasaxa Deganaanshaha Sacuudiga oo laq been abuuray, oo uu doonayey inuu ku soo galo Sacuudiga, mark uu ka soo laabto Somalia.

Wargeyska Arab News waxa kale oo uu qoray in Kombiyuutarka Eedeysanaha laga helay codadka Hoggaamiyayaasha Alshabaab iyo qaabka loo farsameeyo Bambooyinka.

- Advertisement -

Dhinaca kale, waxay Maxkamadda Khaaska ee magaalladda Riyadh xukuntay in Eedeysanaha laga dhoofiyo Sacuudiga marka uu xukunka 19-sanno dhamaysto, kuna soo laaban karin ilaa uu u imaanayo Xaj mooye.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts