HomeWararMadaxweynaha oo shaaciyey inay doonayaan in Xal-siyaasadeed lagu dhameeyo Dagaalka Alshabaab.

Madaxweynaha oo shaaciyey inay doonayaan in Xal-siyaasadeed lagu dhameeyo Dagaalka Alshabaab.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynaha ayaa waxa uu hadalkaasi ka sheegay Khudbad uu maanta ka jeediyey Shirka Ganacsiga Caalaamiga “The Global Business Forum” oo ka furmay magaallaadda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay Dowladiisa u hawlgalayso sidii xal loogu heli lahaa dagaalladda Alshabaab ee ku-dhawaad tobanka sanno socda. “Hal arrin waa la hubaa, ma qorsheynayo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa waxa uu hadalkaasi ka sheegay Khudbad uu maanta ka jeediyey Shirka Ganacsiga Caalaamiga “The Global Business Forum” oo ka furmay magaallaadda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay Dowladiisa u hawlgalayso sidii xal loogu heli lahaa dagaalladda Alshabaab ee ku-dhawaad tobanka sanno socda.

“Hal arrin waa la hubaa, ma qorsheynayo inaan qori keliya ku dhamayno Dagaalka Alshabaab, waxaa mar kasta jirayso Dib-u-heshiisiin” ayuu yiri Madaxweynuhu, wuxuuna dhinaac kale  qiray inay mar hore natiijo ka gaareen La-xaajoodka Alshabaab

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay in tiro badan oo Saraakiil Dhexe oo ka tirsanaa Xarakadda Alshabaab la heshiiyeen Dowladda Federalka, kuwaasi oo dib ugu soo laabtay xaalladda caadiga.

Hadalka Niyad-wanaagga ee Madaxweynaha Dowladda Federalka ka dhawaajiyey ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Ciiddanka Dowladda iyo kuwa Hawlgalka AMISOM kala wareegeen Dagaalamayaasha Alshabaab qeybo ka mid ah Goballadda Koonfurta Soomaaliya.

Dhinaca kale, Dagaalamayaasha Alshabaab waxay Tan iyo sannadkii 2007-dii dagaal kula jiraan Ciiddanka Dowladda Federalka iyo Ciiddanka Hawlgalka AMISOM oo tiradooda ka badan tahay 22,000 oo Askari.

- Advertisement -

© Radio Dalsan 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts