HomeWararC/raxmaan Farroole: “Dowladda Federalka ayaa hor-taagan dhismaha Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan”.

C/raxmaan Farroole: “Dowladda Federalka ayaa hor-taagan dhismaha Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiraan”.

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Madaxweynihii hore ee Maamul-gobaleedka Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed “Faroole” ayaa waxa uu maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Hoygiisa ku yaalla caasimadda Puntland ee Garowe. Waxa uu ka hadlay Marxalladaha Siyaasadeed ee Somalia, Shirarka La-tashiga Hannaanka Doorashadda ee sannadka soo socda iyo Aragtidiisa ku aadan Halbeegiisa Siyaasadeed ee Mustaqbalka Somalia. Waxa uu carrabka ku dhuftay in […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Maamul-gobaleedka Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed “Faroole” ayaa waxa uu maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Hoygiisa ku yaalla caasimadda Puntland ee Garowe.

Waxa uu ka hadlay Marxalladaha Siyaasadeed ee Somalia, Shirarka La-tashiga Hannaanka Doorashadda ee sannadka soo socda iyo Aragtidiisa ku aadan Halbeegiisa Siyaasadeed ee Mustaqbalka Somalia.

- Advertisement -

Waxa uu carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in Awoodda Dowladda lagu qeybsado Deegaan, loonabaahnayn Saami-qeybsiga Nidaamka Beelaha ee 4.5

Waxa kaloo uu ku goodiyey haddii ay Caddaalad-darro timaado in ay halis geli karto Midnimadda, iyadoo buu yiri waxaa jira Dowlad-gobaleedyo uu Dastuurkooda qabo inay ka go’I karaan Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

C/raxmaan Faroole waxa uu aad u naqdiyey Jiritaanka Dowladda Federalka, isagoo ka digay inaysan dib ugu soo laaban Karin Xafiiska, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

Waxa uu Dowladda Federalka ku eedeeyeey inay mas’uul ka tahay caqabadda hor tagaan Dhismaha Maamul-gobaleedka Sh/dhexe iyo  Hiiraan, isla markaana ay uga dan leeyihiin in marmarsiiyo laga dhigo Maamul La’aantaasi, waa sida uu hadalka u yiri.

Siyaasiga C/raxmaan Faroole oo lagu yaqiinay inuu muddadii uu Madaxweynaha ka ahaa Puntland uu si kulul u naqdin jirey Dowladda Dhexe ayaa waxa uu sheegay inay Dowladda Federalka ku hawlan tahay xeellad dib-u-dhigid (delay tactics) iyo debino badan oo Khatar ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka inaysan ku kadsoomin waxa uu ugu yeeray Xeelladda Dowladda Federalka ee Qabsoomida Doorashadda, isagoo dhinaca kalena ka digay inaysan Dowladda Federalka dib ugu soo laabanin Xilka Qaranka, waa sida uu hadalka u yiri.

Si kastaba ha ahaatee, Fikirka  C/raxmaan Faroole ayaa ah Fikirka Shaqsi ka mid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee  Aragtida ka dhiibanaya Nidaamka loo qabanayo Doorashadda Madaxtinimadda ee sannadka soo socda.

Talo-ururinta haatan ka socota Maamul-gobaleedyadda dalka ayaa waxaa la hor geyn doonaa Kulanka Madasha Wada Tashiga Qaranka ee la qaban doono bisha soo socota ee December.

© Radio Dalsan

Latest stories