HomeWararEthiopia oo sheegtay inay ka hortegi doonaan Kooxda Daacish si aysan u...

Ethiopia oo sheegtay inay ka hortegi doonaan Kooxda Daacish si aysan u adeegsanin gudaha Somalia

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Ra’isul-wasaraaha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn Boshe oo mar kale xilkaasi loo doortay bishii May ee sannadkan ayaa waxa uu sheegay inuu Beesha Caalamka, gaar ahaan Dowladaha Bariga Dhexe kala hadlay Khatarta ka dhalan karta haddii ay Dagaalamayaasha Daacish xarumo ka samaysteen gudaha dalka Somalia.

Waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Tifaftiraha Arrimaha Afrika ee Idaacadda BBC World Service Africa, Mary Harper, wuxuuna sheegay inay Ciiddanka Ethiopia ka taageerayaan Dowladda Federalka Somalia dagaalka lagula jiro Xarakadda Alshabaab, oo uu tilmaamay inay xilligan dib u gurteen, lagana qabsaday deegaano ay horey u haysteen.

Mar wax laga weydiiyey Xiriirka Alshabaab iyo Kooxda Daacish, waxa uu sheegay inuu Walaaca haatan yahay sida ay Alshabaab oo Isbahaysi la leh Ururka Alqaacida ay xiriir kale la yeelatay Kooxda Daacish iyo Kooxaha kale.

Hailemariam Desalegn Boshe waxa uu Barnaamijka BBC –da ee Focus on Africa u sheegay inay arrintaasi tahay khiyaano weyn, loona baahan yahay in si gaar ah  indhaha loogu hayo xiririka Alshabaab iyo Daacish.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Dowladaha Carabta kala hadlay awoodaha ay Daacish u leedahay inay ka hawlgalaan gudaha Somalia ama ay hawlgeliyaan Alshabaab.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, waxa uu ka hadlay Xorriyadda Hadalka ee dalkiisa, wuxuuna sheegay inay Xukuumadiisa diyaar u tahay inay Suxufiyiinta wax ka sheegaan oo ay naqdiyaan Xukuumadiisa , isla markaana aysan la yaabi doonin.

Furfurnaanta Dimuqraadiyadda ee uu ku dhawaaqay ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Dowladaha Reer Galabeedka iyo Hay’addaha Xuquuqda Aadanaha si kulul ugu cambaareeyaan Dowladda Ethiopia caburinta ay ku hayaan Saxaafadda, Diimaha iyo Qowmiyadaha ku wada nool dalkaasi.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories