HomeWararEthiopia oo sheegtay inay ka hortegi doonaan Kooxda Daacish si aysan u...

Ethiopia oo sheegtay inay ka hortegi doonaan Kooxda Daacish si aysan u adeegsanin gudaha Somalia

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ra’isul-wasaraaha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn Boshe oo mar kale xilkaasi loo doortay bishii May ee sannadkan ayaa waxa uu sheegay inuu Beesha Caalamka, gaar ahaan Dowladaha Bariga Dhexe kala hadlay Khatarta ka dhalan karta haddii ay Dagaalamayaasha Daacish xarumo ka samaysteen gudaha dalka Somalia. Waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Tifaftiraha Arrimaha Afrika ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’isul-wasaraaha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn Boshe oo mar kale xilkaasi loo doortay bishii May ee sannadkan ayaa waxa uu sheegay inuu Beesha Caalamka, gaar ahaan Dowladaha Bariga Dhexe kala hadlay Khatarta ka dhalan karta haddii ay Dagaalamayaasha Daacish xarumo ka samaysteen gudaha dalka Somalia.

Waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Tifaftiraha Arrimaha Afrika ee Idaacadda BBC World Service Africa, Mary Harper, wuxuuna sheegay inay Ciiddanka Ethiopia ka taageerayaan Dowladda Federalka Somalia dagaalka lagula jiro Xarakadda Alshabaab, oo uu tilmaamay inay xilligan dib u gurteen, lagana qabsaday deegaano ay horey u haysteen.

- Advertisement -

Mar wax laga weydiiyey Xiriirka Alshabaab iyo Kooxda Daacish, waxa uu sheegay inuu Walaaca haatan yahay sida ay Alshabaab oo Isbahaysi la leh Ururka Alqaacida ay xiriir kale la yeelatay Kooxda Daacish iyo Kooxaha kale.

Hailemariam Desalegn Boshe waxa uu Barnaamijka BBC –da ee Focus on Africa u sheegay inay arrintaasi tahay khiyaano weyn, loona baahan yahay in si gaar ah  indhaha loogu hayo xiririka Alshabaab iyo Daacish.

Waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Dowladaha Carabta kala hadlay awoodaha ay Daacish u leedahay inay ka hawlgalaan gudaha Somalia ama ay hawlgeliyaan Alshabaab.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, waxa uu ka hadlay Xorriyadda Hadalka ee dalkiisa, wuxuuna sheegay inay Xukuumadiisa diyaar u tahay inay Suxufiyiinta wax ka sheegaan oo ay naqdiyaan Xukuumadiisa , isla markaana aysan la yaabi doonin.

Furfurnaanta Dimuqraadiyadda ee uu ku dhawaaqay ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Dowladaha Reer Galabeedka iyo Hay’addaha Xuquuqda Aadanaha si kulul ugu cambaareeyaan Dowladda Ethiopia caburinta ay ku hayaan Saxaafadda, Diimaha iyo Qowmiyadaha ku wada nool dalkaasi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts