HomeWararMidowga Afrika oo bixiyey magta Askariga keliya ee Siera Leone uga geeriyooday...

Midowga Afrika oo bixiyey magta Askariga keliya ee Siera Leone uga geeriyooday Hawlgalka AMISOM

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Milliteriga dalka Sierra Leone (RSLAF) waxaa shalay lagu wareejiyey Jeeg Bangiyeed ay ku qoran tahay 50,000 oo Dollarka Maraykanka, taasi oo ah Magta Askari la oran jirey Dable Septimus Swarray, kaasi oo lagu dilay duleedka magaalladda Kismaayo bishii July ee sannadkii 2013-kii. Saraakiil ka socotay Ururka Midowga Afrika, ayaa waxay Taliyaha Ciiddanka Difaaca ee dalkaasi, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Milliteriga dalka Sierra Leone (RSLAF) waxaa shalay lagu wareejiyey Jeeg Bangiyeed ay ku qoran tahay 50,000 oo Dollarka Maraykanka, taasi oo ah Magta Askari la oran jirey Dable Septimus Swarray, kaasi oo lagu dilay duleedka magaalladda Kismaayo bishii July ee sannadkii 2013-kii.

Saraakiil ka socotay Ururka Midowga Afrika, ayaa waxay Taliyaha Ciiddanka Difaaca ee dalkaasi, Sarreeye Guuto Samuel Omar Williams ku wareejiyeen Jeegga, wuxuuna u sii gudbiyey Xaaskii uu ka geeriyooday Askariga qeybta ka ahaa Ciiddankii Sierra Leone ee sannadkii 2012-kii ku soo biiray Hawlgalka AMISOM.

- Advertisement -

Jeneral Samuel Omar Williams Samuel Omar Williams ayaa sheegay in Askariga la dilay uu ahaa Geesi, isla markaana uu u geeriyooday sidii Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabad iyo Deganaansho.

Jenaralka ayaa sheegay in Khasnadda Hawlgalka AMISOM laga bixiyey Lacagta Magta ee la siiyey Qoyska Askarigaas, wuxuuna xusay in Askariga ka tirsan Nabad-ilaalinta QM ee geeriyooda caadi ahaan la siiyo mag dhan 70,000 oo Dollar.

Dhinaca kale, Xaaska Askariga geeriyooday, Xaawa Sawarry ayaa ilmeysiisay markii lagu wareejiyey Jeegga Bangiga, waxayna sheegtay inay Lacagtaasi u isticmaali doonto inay  ku dhistaan Guri iyo inay carruurteeda (Wiil iyo Gabar) ugu diri doonto Iskuulka.

- Advertisement -

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts