HomeWararMidowga Afrika oo bixiyey magta Askariga keliya ee Siera Leone uga geeriyooday...

Midowga Afrika oo bixiyey magta Askariga keliya ee Siera Leone uga geeriyooday Hawlgalka AMISOM

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Milliteriga dalka Sierra Leone (RSLAF) waxaa shalay lagu wareejiyey Jeeg Bangiyeed ay ku qoran tahay 50,000 oo Dollarka Maraykanka, taasi oo ah Magta Askari la oran jirey Dable Septimus Swarray, kaasi oo lagu dilay duleedka magaalladda Kismaayo bishii July ee sannadkii 2013-kii.

Saraakiil ka socotay Ururka Midowga Afrika, ayaa waxay Taliyaha Ciiddanka Difaaca ee dalkaasi, Sarreeye Guuto Samuel Omar Williams ku wareejiyeen Jeegga, wuxuuna u sii gudbiyey Xaaskii uu ka geeriyooday Askariga qeybta ka ahaa Ciiddankii Sierra Leone ee sannadkii 2012-kii ku soo biiray Hawlgalka AMISOM.

Jeneral Samuel Omar Williams Samuel Omar Williams ayaa sheegay in Askariga la dilay uu ahaa Geesi, isla markaana uu u geeriyooday sidii Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabad iyo Deganaansho.

Jenaralka ayaa sheegay in Khasnadda Hawlgalka AMISOM laga bixiyey Lacagta Magta ee la siiyey Qoyska Askarigaas, wuxuuna xusay in Askariga ka tirsan Nabad-ilaalinta QM ee geeriyooda caadi ahaan la siiyo mag dhan 70,000 oo Dollar.

Dhinaca kale, Xaaska Askariga geeriyooday, Xaawa Sawarry ayaa ilmeysiisay markii lagu wareejiyey Jeegga Bangiga, waxayna sheegtay inay Lacagtaasi u isticmaali doonto inay  ku dhistaan Guri iyo inay carruurteeda (Wiil iyo Gabar) ugu diri doonto Iskuulka.

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories