HomeWararMaraykanka oo ka digay inay Alshabaab weeraraan Muwaadiniintooda ku sugan Burundi

Maraykanka oo ka digay inay Alshabaab weeraraan Muwaadiniintooda ku sugan Burundi

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ayaa sii wada inay Muwaadiniintooda uga digaan Khatarta socdaal ay ku tegaan dalka Burundi iyo inay Alshabaab kala kulmaan weeraro. Qoraalka ayaa lagu muujiyey inay suurtogal tahay inay Dagaalamayaasha Alshabaab weeraro la beegsadaan Muwaadiniinta iyo Danaha Maraykanka ku leeyahay dalka Burundi, iyadoo xilligan ay caasimadda dalka Burundi ee Bujunbura […]

- Advertisement -

Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ayaa sii wada inay Muwaadiniintooda uga digaan Khatarta socdaal ay ku tegaan dalka Burundi iyo inay Alshabaab kala kulmaan weeraro.

Qoraalka ayaa lagu muujiyey inay suurtogal tahay inay Dagaalamayaasha Alshabaab weeraro la beegsadaan Muwaadiniinta iyo Danaha Maraykanka ku leeyahay dalka Burundi, iyadoo xilligan ay caasimadda dalka Burundi ee Bujunbura caadi ka noqotay inay dhacaan Is-rasaasayn iyo qaraxyo, inkastoo aan ialaa iyo haatan si toos ah loola beegsanin dadka Shisheeyaha

- Advertisement -

Dhinaca kale, Muwaadiniinta Maraykanka ayaa lagula taliyey inaysan booqanin dalkaasi ama ay taxadir muujiyaan haddii ay tagaan dalkaasi, oo ay dhegeystaan Idaacadaha Burundi, iyo inay Internetka kala socdaan Wararka Siyaasadeed iyo Dibadbaxyadda ka dhacayo dalkaasi.

Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka waxay ugu dambeyntii Muwaadiniintooda ugu baaqeen inaysan u bixin duleedka Bunjunbuura marka uu gabalku dhacdo, si aysan ula kulmin Khatar Nololeed.

© Radio Dalsan

Latest stories