HomeWararMadaxweynaha: ‘’Dadaal badan ayaan u soo galney inaan soo gaarno halka aynu...

Madaxweynaha: ‘’Dadaal badan ayaan u soo galney inaan soo gaarno halka aynu maanta joogno” “Sawirro”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba oo ka dhacdey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Khudbad uu halkaa ka jeediyay, ayaa Madaxweynaha waxaa uu ugu horeyn hambalyo u direy Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba, Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo shacabka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba oo ka dhacdey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Khudbad uu halkaa ka jeediyay, ayaa Madaxweynaha waxaa uu ugu horeyn hambalyo u direy Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba, Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo shacabka gobollada Jubbooyinka.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay in barnaamijka baahinta xukunka ee waddanka ka socda uu yahay nidaam ay Soomaalida ku wada heshiiyeen, loona baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo, maadaama uu yahay hab siyaasadeed ku cusub dalka.

“Dagaalkii sokeeye iyo fowdada way ka dhammaadeen Soomaaliya. Kala aragti duwanaansho kasta oo dhacda waxaa lagu xalin karaa wadahadal, waana mahad Ilaahay inaan ka soo gudubney waqtigii xoogga iyo colaadda wax lagu raadin jirey, Waxaan ku jirnaa marxalad siyaasadeed iyo dowlad dhisid.

Marxaladda noocaasi ahna waxaa barbar socota cabasho, tabasho, cabsi iyo is riix riix siyaasadeed. Waa inaan naceybka iyo colaadda ku bedelnaa in nabad la dhaliyo, is jaceylna la dhex dhigo bulshada’’.
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga barto khaladaadkii hore u dhacay, Soomaaliyana loo abuuraa mustaqbal wanaagsan oo horumar iyo midnimo ku dhisan.
“Khibrad badan ayaa laga bartaa khaladaadkii hore u dhacay. Shacabka uma baahna in dhegahooda lagu shubo naceyb iyo cabsi. Haddii ay jiraan kala aragti duwanaansho u dhexeysa madaxda waa in lagu xaliyaa goobaha loogu talagaley, Sax ma ahan in goob fagaare ah amaba warbaahinta la soo dhex dhigo hadalo dadka kicin kara, kuna celin kara rajo beel iyo colaad hor leh oo aan loo baahneyn’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u heshiisiinta ay sii socon doonto, loona baahan yahay in dowladnimada sii xoogeysaneysa la aamino si horey loogu sii dhaqaaqo,
“Shisheeye nooma sameyn karto siyaasadda aan dalkeena ku hageyno, Beesha caalamka taageero badan ayay ina siisey”.

- Advertisement -

Waddamada deriska iyo Afrika inteeda kale waxay nagu deeqeen wiilashooda iyo gabdhahooda si ay dib u soo celinta nabadda inoo gala shaqeeyaan,waana ka mahad celineynaa. Haddaan nahay madaxdii qaranka, waxaa na soo doortey shacabka, waxaana na laga doonayaa inaan si hufan ugu adeegno, isla markaana aan dejino qorshe siyaasadeedkii waddankan lagu hagi lahaa inagoo shacabka kaashaneyna’’.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku booriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay gacmaha is qabsadaan, kana shaqeeyaan in waddanka la nabadeeyo horumarna la gaarsiiyo, isagoo intaa ku darey in loo baahan yahay sidii dalka loo gaarsiin lahaa meel ka wanaagsan halka uu maanta marayo.

Xafladda waxaa kale oo ka soo qeybgaley , hadalana ka jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, madaxda maamullada Jubba, Galmudug, Koonfuur Galbeed Soomaaliya, Puntland,wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay, Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Ethiopia Dr Tedros Adhanom, Urur goboleedka IGAD, Midowga Africa,danjireyaal, diblomaasiyiin, xubnaha labada gole ee Soomaaliya, wakiilo ka socdey dalka Kenya iyo mas’uuliyiin kale.
—DHAMMAAD-

calemasaar-2calemasaar-4calemasaar-5calemasaar-6

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts