HomeWararDowladda Tanzania oo ka hadashay Rag Tanzanian oo ay Ammaanka Kenya ku...

Dowladda Tanzania oo ka hadashay Rag Tanzanian oo ay Ammaanka Kenya ku qabteen Garissa

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Tanzania, Bernard Membe ayaa sheegay inaysan weli xaqiijin karin in Lix qof oo ay Ciiddanka Kenya qabteen yihiin Muwaadiniin Tanzanian. Wasiirka oo soo saaray War Saxaafadeed ayaa sheegay inay ku raad-joogaan Arrintaasi, isla maarkaana ay xiriir la sameeyeen Dowladda Kenya, si loo helo Tafaasiil dheeraad ah. Afhayeenadda Boliska Tanzania, Advera […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Tanzania, Bernard Membe ayaa sheegay inaysan weli xaqiijin karin in Lix qof oo ay Ciiddanka Kenya qabteen yihiin Muwaadiniin Tanzanian.

Wasiirka oo soo saaray War Saxaafadeed ayaa sheegay inay ku raad-joogaan Arrintaasi, isla maarkaana ay xiriir la sameeyeen Dowladda Kenya, si loo helo Tafaasiil dheeraad ah.

- Advertisement -

Afhayeenadda Boliska Tanzania, Advera Senso waxay sheegtay inaysan ka war haynin Arrintaasi, isla markaana ay bixin doonto Faahfaahino kale, marka ay hesho xog rasmi ah.

Wargeyska The Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inay Hay’addaha Ammaanka Kenya Axaddii la soo dhaafay ku qabteen lix nin oo Tanzanian ah Degmadda Garissa, iyagoo ku sii jeeday dalka Somalia, si ay ugu biiraan Alshabaab, waa sida hadalka loo dhigay.

Warbixinta Hay’addaha Ammaanka ee Kenya ayaa lagu sheegay in raggaasi lagu qabtay 7 Bistoolo iyo 7 bam gacmeed.

- Advertisement -

Madaxa Ammaanka ee W/bari Kenya, Mohamoud Salah ayaa sheegay in raggaasi Tanzanianka oo ay da’dooda u dhexeyso 20 jir ilaa 40 jir lagu joojiyey Degamadda Dhadhaab, iyago oqorsheynayey inay ka gudbaan Xuduudka Somalia.

Waxa uu intaasi daray in raggaasi lagu hayo Saldhigga Boliska Degmadda Garissa, oo ay Saraakiisha wax weydiinayaan.

Dhinaca kale,  Madaxa Ammaanka ee W/bari Kenya, Mohamoud Salah waxa uu sheegay inay bilowgii toddobaadkan qabteen labo haween oo u kala dhashay Kenya iyo Tanazania, kuwaasi oo ku sii jeeday Somalia.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts