HomeWararDAAWO: Hooyo Somali ku dul umushay Markab laga leeyahay Jarmalka

DAAWO: Hooyo Somali ku dul umushay Markab laga leeyahay Jarmalka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Haweeney magaceeda lagu soo koobay Raxma ayaa gabar ku umushay dooni laga leeyahay Jarmalka, oo u gurmatay Tahriibayaal ku xayirnaa dooni sabaynaysay Badda Mediterranean Sea.

Hadal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Jarmalka ee Bundeswehr ayaa lagu sheegay in Raxma oo 33 jir ah loo fidiyey gargaar, markii ay foosha ku qabatay doonida dagaalka Jarmalka ee lagu magacaabo Schleswig Holstein.

Raxma oo la sheegay inay safar Tahiib ah oo aysan cid kale ku wehlinin ku jirtay muddo shan bilood ayaa umushay gabar loogu magac daray Safiya, oo uu miisaankeedu yahay  3 Kiilo, isla markaana caafimaad qabto.

Waa markii ugu horreysay oo ay Haweeney Soomaali tahriib ku jirta ku dul umusho Markab laga leeyahay dalka Jarmalka, inkastoo aan Hooyadaas iyo gabadheeda la siinin Dhalashadda Jarmalka.

Dhinaca kale, Raxma iyo gabadheeda iyo Kumanaan kale oo Tahriibayaal ah oo laga badbaadiyey Badda Mediterranean Sea toddobaadkan ayaa waxay si nabad ah ku tageen Dekedda magaalladda Taranto ee Koonfurta dalka Talyaaniga.

WQ: Ustaad Nuradin Abokar Ahmed

https://youtu.be/v8uOIJfsuRY

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories