HomeWararBoliska Kenya oo sheegay inay baadi-goobayeen labo nin oo ku biirtay Xarakadda...

Boliska Kenya oo sheegay inay baadi-goobayeen labo nin oo ku biirtay Xarakadda Alshabaab

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Taliyaha Boliska magaalladda Mombasa, Nelson Marwa ayaa xaqiijiyey in la la’ yahay Dhallinyarro ka mid ah in ka badan 200 oo qof oo dhawaan laga sii daayey Xabsiga Shimo La Tewa, kuwaasi oo ay Siyaasiyiinta Deegaanka ka codsadeen Dowladda in la sii daayo Dhallinyaradaasi lala xiririinayo inay xubno ka yihiin Xarakadda Alshabab. Nelson Marwa oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Boliska magaalladda Mombasa, Nelson Marwa ayaa xaqiijiyey in la la’ yahay Dhallinyarro ka mid ah in ka badan 200 oo qof oo dhawaan laga sii daayey Xabsiga Shimo La Tewa, kuwaasi oo ay Siyaasiyiinta Deegaanka ka codsadeen Dowladda in la sii daayo Dhallinyaradaasi lala xiririinayo inay xubno ka yihiin Xarakadda Alshabab.

Nelson Marwa oo ka hadlay Shir looga hadlayey Ammaanka waxa uu qiray in la la’ yahay halka ay ku dambeeyeen inta badan Dhallinyarada la sii daayey.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay in Dhallinyaradaasi oo bishii September ee sannadkii hore  laga soo kala qabtay dhowr Masjid oo ku yaalla Mombasa  ahaayeen kuwo haystay bam-gacmeedyo, qoryo, isla markaana taageersanaa Xarakadda Alshabaab, wuxuuna intaasi ku daray markii laga sii daynayey Xabsigu inuu qorshuhu ahaa in la dhaqanceliyo.

Taliyaha Boliska magaalladda Mombasa, Nelson Marwa waxa uu tilmaamay inay jiraan xubno muhiim ah oo ku lug lahaa Dembiyadda ka dhacay Mombasa, wuxuuna si gaar ah carrabka ugu dhuftay Labo dhallinyarro oo uu xusay inay tuhunsan yihiin inay ku biireen Xarakadda Alshabaab.

Waxa uu magacyadooda ku kala sheegay Nuradin Khamiisi iyo Jamaal Rashiid, wuxuuna sheegay inay yihiin dad khatar ah oo aan la ogeyn cidda maalgelisa Hawlgaladooda.

- Advertisement -

Hadalka Taliyaha Boliska magaalladda Mombasa, Nelson Marwa ayaa ku soo beegmay iyadoo ay Dowladda Kenya dhawaan shaacisay inay inta badan Dhallinyaradda Kenya booqdaan Websaytyadda ay leeyihiin Kooxaha Islaamiyiinta Hubeysan, si ay ugu biiraan.

Boqolaal Kenyan ah ayaa la sheegay inay ku biireen Xarakadda Alshabaab iyo Dagaalamayaasha Daacish ee dalalka Iraq iyo Syria.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts