HomeWararQM oo ugu baaqday Dowladda Federalka inay si degdeg ah u baaraan...

QM oo ugu baaqday Dowladda Federalka inay si degdeg ah u baaraan Fadeexadda Musuqa ee Soma Oil and Gas

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Guddoomiyaha Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Somalia iyo Eritrea, ahna Danjiraha dowladda Venezuela u jooga QM, Rafaa’eel Ramirez ayaa ugu baaqay Dowladda Federalka inay bilaabaan baaritaanka Musuqa Shirkadda Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalka Britain iyo Wasaaradda Batroolka ee Somalia. Qoraal qabyo ah oo uu soo saaray Rafaa’eel Ramirez ayaa lagu shaaciyey […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Guddiga QM ugu qaabilsan Kormeerka Cunaqabataynta Somalia iyo Eritrea, ahna Danjiraha dowladda Venezuela u jooga QM, Rafaa’eel Ramirez ayaa ugu baaqay Dowladda Federalka inay bilaabaan baaritaanka Musuqa Shirkadda Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalka Britain iyo Wasaaradda Batroolka ee Somalia.

Qoraal qabyo ah oo uu soo saaray Rafaa’eel Ramirez ayaa lagu shaaciyey inay jiraan caddaymo ku aadan inay Shirkadda Soma Oil and Gas lacago siiyeen dhowr Shaqaale ka tirsan Dowladda Somalia, oo ku aadan Qandaraaskii ay labada dhinac saxiixdeen sannadkii 2013-kii.

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP oo araagtay qoraalka Guddiga QM ayaa waxaa Dowladda Somaalia looga codsaday inay sida ugu dhaqsaha leh u bilowday baaritaanka, lana soo caddeeyo shaqsiyaaadka lagu helo inay dhaceen Kheyraadka Ummadda, kuna xadgudbay cunaqabatanta saaran Somalia.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxaa laga sugayaa inay Shir Gaar ah ka yeeshaan Warbixinta Guddiga Cunaqabataynta, isla markaana Go’aan Cad soo saareen ka hor inta aan la gaarin bishan August 10-da.

Xafiiska Britaain ugu qaabilan Ka-hortaga Musuqa (SFO) ayaa bilaabay baaritaanka Eedeymahaasi, waxayna Kulan Hordhac ah la yeelan doonaan Guddoomiyaha Shirka Soma Oil and Gas, Michael Howard.

- Advertisement -

Waxa uu horey u beeniyey inay Shirkadda Soma Oil and Gas wax qalad ah sameeyeen, isla markaana ay Guddiga QM si qaldan uga fahmeen kharajka la siiyey Saraakiisha ka tirsan Wasaaradda Batroolka ee Somalia.

Sannadkii 2013-kii ayey Shirkadda Soma Gas and Oil ku guuleysatay Qandaraas lagu sahminayo Xeebaha Bariga iyo Bartamaha Somalia, iyadoo 12 goobood la sheegay in laga helay shidaal iyo gaaska dabiiciga.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts