HomeWararKenya oo sheegtay inaysan xakamayn karin Dhallinyaradda ku biirayso Alshabaab iyo Daacish

Kenya oo sheegtay inaysan xakamayn karin Dhallinyaradda ku biirayso Alshabaab iyo Daacish

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Xarunta Qaranka Kenya ee La-dagaalanka Kooxaha Xag-jirka (NCTC) ayaa sheegay inay Dhallinyarada ku nool magaalladda Nairobi ay maalin kasta muddo 8 saacadood ku bixiyaan Websaytyadda dadka ku tashkiiliya inay ku biiraan Kooxaha Islaamiyiinta hubeysan. Agaasimaha Xaruntaasi, Isaaq Ochiengh waxa uu tilmaamay in dhallinyaradda da’dooda u dhexeyso 20 jir ilaa 25 jir yihiin kuwa had iyo […]

- Advertisement -

Xarunta Qaranka Kenya ee La-dagaalanka Kooxaha Xag-jirka (NCTC) ayaa sheegay inay Dhallinyarada ku nool magaalladda Nairobi ay maalin kasta muddo 8 saacadood ku bixiyaan Websaytyadda dadka ku tashkiiliya inay ku biiraan Kooxaha Islaamiyiinta hubeysan.

Agaasimaha Xaruntaasi, Isaaq Ochiengh waxa uu tilmaamay in dhallinyaradda da’dooda u dhexeyso 20 jir ilaa 25 jir yihiin kuwa had iyo jeer u nugul inay ku biiraan Kooxaha Islaamiyiinta.

- Advertisement -

Isagoo cashar ku saabsan Kooxaha Argagixisadda ku qabtay Dugsiga  laga barto Sharciga ee Starthmore Law School ayuu carrabka ku dhuftay  inay Kenya awood u lahayn inay joojiyaan hal qof oo u safraya Somalia ama dalal kale ee ay Kooxaha Islaaamiyiinta ka dagaalamaan, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay inay 100 Dhallinyarro oo horey ugu biirtay Alshabaab ay dib u soo laabteen, iskuna soo dhiibeen Maamulayaasha.

Mar uu ka hadlayey Dhallinyaradda Kenyaanka ee weli la la’ yahay waxa uu xusay inay Dhallinyaradaasi ku biireen Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Iraq iyo Syria.

- Advertisement -

Sirdoonka lagu sameeyey Isticmaalka Internetka ayaa waxay muujisay in Dhallinyaradda Kenya, gaar ahaan  kuwa Jaamacadaha saacado badan ku bixiyaan Websaytadda lagu baran karo qaabka ay ugu biiri lahaayeen Kooxaha Islaamiyiinta Hubeysan.

© Radio Dalsan

Latest stories