HomeWararKenya oo sheegtay inaysan xakamayn karin Dhallinyaradda ku biirayso Alshabaab iyo Daacish

Kenya oo sheegtay inaysan xakamayn karin Dhallinyaradda ku biirayso Alshabaab iyo Daacish

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Xarunta Qaranka Kenya ee La-dagaalanka Kooxaha Xag-jirka (NCTC) ayaa sheegay inay Dhallinyarada ku nool magaalladda Nairobi ay maalin kasta muddo 8 saacadood ku bixiyaan Websaytyadda dadka ku tashkiiliya inay ku biiraan Kooxaha Islaamiyiinta hubeysan. Agaasimaha Xaruntaasi, Isaaq Ochiengh waxa uu tilmaamay in dhallinyaradda da’dooda u dhexeyso 20 jir ilaa 25 jir yihiin kuwa had iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xarunta Qaranka Kenya ee La-dagaalanka Kooxaha Xag-jirka (NCTC) ayaa sheegay inay Dhallinyarada ku nool magaalladda Nairobi ay maalin kasta muddo 8 saacadood ku bixiyaan Websaytyadda dadka ku tashkiiliya inay ku biiraan Kooxaha Islaamiyiinta hubeysan.

Agaasimaha Xaruntaasi, Isaaq Ochiengh waxa uu tilmaamay in dhallinyaradda da’dooda u dhexeyso 20 jir ilaa 25 jir yihiin kuwa had iyo jeer u nugul inay ku biiraan Kooxaha Islaamiyiinta.

- Advertisement -

Isagoo cashar ku saabsan Kooxaha Argagixisadda ku qabtay Dugsiga  laga barto Sharciga ee Starthmore Law School ayuu carrabka ku dhuftay  inay Kenya awood u lahayn inay joojiyaan hal qof oo u safraya Somalia ama dalal kale ee ay Kooxaha Islaaamiyiinta ka dagaalamaan, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay inay 100 Dhallinyarro oo horey ugu biirtay Alshabaab ay dib u soo laabteen, iskuna soo dhiibeen Maamulayaasha.

Mar uu ka hadlayey Dhallinyaradda Kenyaanka ee weli la la’ yahay waxa uu xusay inay Dhallinyaradaasi ku biireen Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Iraq iyo Syria.

- Advertisement -

Sirdoonka lagu sameeyey Isticmaalka Internetka ayaa waxay muujisay in Dhallinyaradda Kenya, gaar ahaan  kuwa Jaamacadaha saacado badan ku bixiyaan Websaytadda lagu baran karo qaabka ay ugu biiri lahaayeen Kooxaha Islaamiyiinta Hubeysan.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts