HomeWararMuxuu ka turjumayaa Gaagaxa Siyaasadeed ee dib-u-dhigista Doorashadda Madaxtinimadda ?

Muxuu ka turjumayaa Gaagaxa Siyaasadeed ee dib-u-dhigista Doorashadda Madaxtinimadda ?

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Guuxa Siyaasadeed ee ugu hadal-haynta  badan Maalmahan ayaa ku aadan Shirka Wada-tashiga Hiigsiga Cusub iyo Rajadda qabsoomida Doorashadda Madaxtinimadda ee qorsheysan in la qabto sannadka soo socda. Wareegga Saddexaad ee Shirka Hiigsiga Cusub oo maanta ka furmay Garoonkii Ciiddankii Cirka ee Afisiyoone ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Wakiilo ka kala […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guuxa Siyaasadeed ee ugu hadal-haynta  badan Maalmahan ayaa ku aadan Shirka Wada-tashiga Hiigsiga Cusub iyo Rajadda qabsoomida Doorashadda Madaxtinimadda ee qorsheysan in la qabto sannadka soo socda.

Wareegga Saddexaad ee Shirka Hiigsiga Cusub oo maanta ka furmay Garoonkii Ciiddankii Cirka ee Afisiyoone ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Wakiilo ka kala socday QM, EU-da, Beesha Caalamiga iyo Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyadda  K/galbeed iyo Galmudug.

- Advertisement -

Kulankaasi ayaa waxaan soo xaadirin Madaxweynayaasha Maamulladda Puntland iyo Jubba oo iyagu meel gaar ah la yurura buufiska mucaaradnimo  ee ay u hayaan Dowladda Dhexe.

Waa hubaal in Shirka Hiigsiga Cusub looga dan leeyahay in lagu dejiyo Istaraatijiyadda lagu dhamaystirayo Qorshooyinkii ay Dowladda Dhexe iyo Beesha Caalamka horey isugu raaceen.

Xeeldheerayaasha ayaa tuhun ka muujiyey sababaha la isugu beegay  Shirka Hiigsiga Cusub iyo Ka-hadalka Qabsoomidda Doorashadda sannadka soo socda, oo lagu madalsanaa.

- Advertisement -

Madaxweynaha, Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Aragtiyo isku mid ah  ka dhiibtay Rajada laga qabi karo Doorashadda Madaxtinimadda ee Qaranka, wuxuuna hadalkooda  muujinaya inay Madaxda Qaranka weli hamuun u qabaan inay ku sii fadhiyaan Xilalka Madaxtinimadda Qaranka.

Hamiga noocaasi ayaa waxaa si toos iyo si dadban looga dareemayaa inaysan Madaxda caadi  ugu kalsamayn Qabsoomida Doorashadaasi, maadaama ay weli u harsan yihiin shaqooyin xasaasi ah.

Falaanqeeyaasha ayaa rumeysan in Dooda la xiriirta dib-u-dhigista Doorashadda Madaxtinimadda ka turjumayso inay Dowladda Federalka ku fashilmi doonto haddaysan taabagelinin Ballanqaadyadii ku aadanaa inay dalka gaarsiinayso Nidaam Doorasho oo Dimuqraadi ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo hadal qaaday Doorashadda, wuxuuna sheegay inaysan suurto-gal ahayn inay doortasho ka dhacdo Somalia.

Wuxuuna intaasi ku daray in xaalladaasi looga gudbi doono La-tashiyo dheeraad ah oo lala yeesho Dowlad-gobaleedyadda.

Madaxda Qaranka inkastoo ay Aragtiyahooda dhiibteen, haddana Aqlabiyad ahaan waxaa mudan in Ummadda Soomaaliyeed laga tala-geliyo, loona dhega-nuglaado Rabitaankooda, illayn iyagaa awood u leh inay Taageeaan ama mucaaradaan Dowlad kastaa ama Hay’ad kasta oo Qaranka ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa isweydiin mudan:- Muxuu ka turjumayaa Gaagaxa Siyaasadeed ee dib-u-dhigista Doorashadda Madaxtinimadda ?

WQ: Hassan Ali Osman “Istiila”

@Hassanistiila 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts