HomeWararInta badan Beelaha deggan Goballadda Dhexe oo ku biiray Maamulka Ahlu-sunna ka...

Inta badan Beelaha deggan Goballadda Dhexe oo ku biiray Maamulka Ahlu-sunna ka dhisayaan Dhuusa-mareeb

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ergooyinka Beelaha wada deggan  Goballadda Dhexe ee ku sugnaa Degmadda Cadaado ayaa u ruqaansaday magaallo-madaxda Gobalka Galgaaduud ee Dhuusa-mareeb, si ay uga qeyb galaan Shirweyne ay Ahlu Sunna Wal-jameeca gogoshiisa dhigtay. Wafuudda Beelaha Wacaysle, Murusade iyo Cayr ayaa saakayto gaaray magaalladda Dhuusa-mareeb, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Ahlu-sunna Wal-jameeca ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ergooyinka Beelaha wada deggan  Goballadda Dhexe ee ku sugnaa Degmadda Cadaado ayaa u ruqaansaday magaallo-madaxda Gobalka Galgaaduud ee Dhuusa-mareeb, si ay uga qeyb galaan Shirweyne ay Ahlu Sunna Wal-jameeca gogoshiisa dhigtay.

Wafuudda Beelaha Wacaysle, Murusade iyo Cayr ayaa saakayto gaaray magaalladda Dhuusa-mareeb, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Ahlu-sunna Wal-jameeca ee gacanta ku haya inta badan Gobalka Galgaduud.

- Advertisement -

Wafdiga Beesha Wacaysle, waxaa hoggaaminayey  Ex-Xildhibaan C/llaahi Geeddi Shadoor, oo isagu horey u shaaciyey inay Beeshiisa qaadaceen Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe ee haatan ka socda Degmadda Cadaado.

Ergadda Beesha Marayxaan ee ka mid ah Beelaha wada degga Goballadda Dhexe ayaa horey u gaaray Dhuusa-mareeb, si ay uga qeyb galaan Shirka looga tashanayo Aayaha dadka ku nool Goballadda Galgaduud iyo Mudug.

Dhinaca kale, Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federalka ee ka soo jeeda Goballadda Dhexe  ayaa la sheegay inay gaareen Dhuusa-mareeb, si ay uga qeyb galayaan Shirka ka furmay Dhuusa-mareeb.

- Advertisement -

Ergooyinka haatan ku sugan Dhuusa-mareeb ayaa ku eedeeyey Dowladda Federalka inay faragelin ka hayaan Shirka Cadaado, isla markaana ay Dowladda taageerayso qaar ka mid ah Musharixiinta Madaxtinimadda oo ay ka tilmaameen Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, C/kariim Xuseen Guuleed oo ay sheegeen inuu ku fashilmay xilkii uu Dowladda Federalka ka hayey

C/kariim Xuseen Guuleed waxa uu  Is-casilaadiisii hore ku tilmaamay  iyadoo  ay ku adkaatay Hawlihii loo idmay, isla markaan  uu Amnigii Muqdisho faraha ka baxay.

Si kastaba ha ahaatee, Shirka ay Ahlu Sunna Wal-jameeca dhigeen magaalladda Dhuusa-mareeb ayaa u muuqda mid ay inta badan Beelaha wada deggan Goballadda Dhexe taageersan yahay, waxaana la filayaa in Shirkaasi lagu soo dhiso Maamul Gobaleed ay u dhan yihiin beelahaasi.

 

© Warqabadka Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts