HomeWararWilliam Ruto oo sheegay inaysan Alshabaab marnaba maamuli doonin Kenya

William Ruto oo sheegay inaysan Alshabaab marnaba maamuli doonin Kenya

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir-gobaleed  looga hadlayo Xag-jirnimadda, kaasi oo maanta ka furmay magaalladda Nairobi.

Waxa uu tilmaamay in la adkeeyey amaanka Kenya, isla markaana lagu hawlan yihiin sidii loo xakamayn lahaa waxa uu ugu yeeray Xag-jirnimadda.

William Ruto waxa kaloo sheegay inaan marnaba Dowlad Islaami ah laga dhisi doonin Kenya, wuxuuna carrabka ku adkeeyey inay Kenya tahay Bulsho Furan oo Dimuqraadi ah.

Mar uu ka hadlayey dagaalka ay kula jiraan Alshabaab, waxa uu tilmaamay inay safka hore kaga jiraan sidii ay Alshabaab u qiiqi lahaayeen, waa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ugu baaqay Beesha Caalamka inay Kenya ku taageeraan Dagaalkaasi.

“Alshabaab iyo Isbahaysigooda waxay weli wadaan sidii ay Dhallinyarradda ugu tababari lahaayeen goobaha nabadda ah, sida Dugsiyadda ,masaajidda, Xabsiyadda iyo Warbaahinta Bulshadda” ayuu yiri William Ruto.

Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya waxa kaloo uu ka hadlay Dagaalyahannadda  shisheeyaha ee ka barbar dagaalama Alshabaab, wuxuuna  sheegay haddii ay Ciiddanka Ammaanka Kenya ka badbaadaan inay dalalkooda abuuri doonaan Khatar dhinaca ammaanka.

Ugu yaraan 300 Ergo oo ka kala socda dowladaha Caalamka ayaa ka qeyb qaadanayo Shirka looga hadlayo Xag-jirnimadda ee ka furmay magaalladda Nairobi, waxaana la filayaa in laga saaro Qorsho looga hortagayo Falalka Xag-jirnimadda.

© Warqabadka Radio Dalsanruto 2 RUTO

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories