HomeWararShiikha Jaamacadda Alazhar oo sheegay inay Somalia ka taageeri doonaan La-dagaalanka Xag-jirnimadda

Shiikha Jaamacadda Alazhar oo sheegay inay Somalia ka taageeri doonaan La-dagaalanka Xag-jirnimadda

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Sheekh Axmed Aldayib, ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Wasiirka Awqaafta ee Dowladda Federalka Somalia, Sheekh C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim kula kulmay caasimadda dalka Masar ee Qaahira. Hoggaamiyaha Jaamacadda Diiniga ee Alazhar, waxa uu sheegay inay Somalia ka saacidi doonaa sidii looga saluugin lahaa Afkaarta Xag-jirnimadda iyo La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda. Waxa kaloo uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sheekh Axmed Aldayib, ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Wasiirka Awqaafta ee Dowladda Federalka Somalia, Sheekh C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim kula kulmay caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Hoggaamiyaha Jaamacadda Diiniga ee Alazhar, waxa uu sheegay inay Somalia ka saacidi doonaa sidii looga saluugin lahaa Afkaarta Xag-jirnimadda iyo La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

- Advertisement -

Waxa kaloo uu tilmaamay inay dib u soo nooleyn doonaan Barnaamijkii Macallimiinta Alazhar ee wax ka dhigi jirtey Dugsiyadda ku yaalla gudaha dalka Somalia.

Waxa kaloo uu sheegay inay Jaamacadda Azhar kordhin doonto deeqaha Waxbarasho ee Ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan Kulliyaddaha Shareecadda iyo Qaanuunka iyo Waxbarashadda.

“Waan kordhin doonaan Ardayda Soomaaliyeed ee ka faa’ideysan doonta Deeqaha Minxadda ee ay Jaamacadda Alazhar ugu talagalay Ardayda Soomaaliyeed” ayuu yiri Sheekh Axmed Aldayib.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Sheekh C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim oo ka hadlay qaabilaadaasi, waxa uu uha magadceliyey Taageeradda Jamaacatul Azhar la garab taagan yihiin Ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Jaamacadda Alazhar tahay Hoggaaminta Ruuxiga iyo Cilmiga ee Muslimiinta, isla markaana uu Iimaamka weyn ee Alazhar yahay Iimaamka Muslimiinta ku nool Calaamka.

Wasiirka Awqaafta ee Dowladda Federalka, Sheekh C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim waxa uu tilmaamay inay Ummadda Soomaaliyeed u baahan yihiin Taageeradda Jaamacadda Alazhar gaar ahaan La-dagaalanka Fikrka Xag-jirka iyo Mintidnimadda.

Waxa kaloo uu ku baaqay inay Jamaacadda Alazhar kordhiyaan Taageeradda Waxbarashadda iyo Cilmiga diiniga. Isagoo carrabka ku dhuftay in inta badan Degmooyinka Soomaaliya haatan ka jirto nabad buuxa.

Xigasho:- www.almasryalyoum.com

Links http://www.almasryalyoum.com/news/details/755554  

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts