HomeWararShiikha Jaamacadda Alazhar oo sheegay inay Somalia ka taageeri doonaan La-dagaalanka Xag-jirnimadda

Shiikha Jaamacadda Alazhar oo sheegay inay Somalia ka taageeri doonaan La-dagaalanka Xag-jirnimadda

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Sheekh Axmed Aldayib, ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Wasiirka Awqaafta ee Dowladda Federalka Somalia, Sheekh C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim kula kulmay caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Hoggaamiyaha Jaamacadda Diiniga ee Alazhar, waxa uu sheegay inay Somalia ka saacidi doonaa sidii looga saluugin lahaa Afkaarta Xag-jirnimadda iyo La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Waxa kaloo uu tilmaamay inay dib u soo nooleyn doonaan Barnaamijkii Macallimiinta Alazhar ee wax ka dhigi jirtey Dugsiyadda ku yaalla gudaha dalka Somalia.

Waxa kaloo uu sheegay inay Jaamacadda Azhar kordhin doonto deeqaha Waxbarasho ee Ardayda Soomaaliyeed, gaar ahaan Kulliyaddaha Shareecadda iyo Qaanuunka iyo Waxbarashadda.

“Waan kordhin doonaan Ardayda Soomaaliyeed ee ka faa’ideysan doonta Deeqaha Minxadda ee ay Jaamacadda Alazhar ugu talagalay Ardayda Soomaaliyeed” ayuu yiri Sheekh Axmed Aldayib.

Dhinaca kale, Sheekh C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim oo ka hadlay qaabilaadaasi, waxa uu uha magadceliyey Taageeradda Jamaacatul Azhar la garab taagan yihiin Ummadda Soomaaliyeed.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Jaamacadda Alazhar tahay Hoggaaminta Ruuxiga iyo Cilmiga ee Muslimiinta, isla markaana uu Iimaamka weyn ee Alazhar yahay Iimaamka Muslimiinta ku nool Calaamka.

Wasiirka Awqaafta ee Dowladda Federalka, Sheekh C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim waxa uu tilmaamay inay Ummadda Soomaaliyeed u baahan yihiin Taageeradda Jaamacadda Alazhar gaar ahaan La-dagaalanka Fikrka Xag-jirka iyo Mintidnimadda.

Waxa kaloo uu ku baaqay inay Jamaacadda Alazhar kordhiyaan Taageeradda Waxbarashadda iyo Cilmiga diiniga. Isagoo carrabka ku dhuftay in inta badan Degmooyinka Soomaaliya haatan ka jirto nabad buuxa.

Xigasho:- www.almasryalyoum.com

Links http://www.almasryalyoum.com/news/details/755554  

© Warqabadka Dalsan Radio

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories