HomeWararTahriibayaal Soomaali ah oo ku dhaawacmay Shil gaari oo ka dhacay Masar

Tahriibayaal Soomaali ah oo ku dhaawacmay Shil gaari oo ka dhacay Masar

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wararka naga soo gaarayo Degmadda Aswaan ee dalka Masar ayaa waxay sheegayaan inay Dhallinyarro Soomaali ah saakayto ku dhaawacmeen shil gaari. Wargeyska Akhbaaral-yoom ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa waxa uu qoray inay Dhallinyaradaasi ay shilka galeen, xilli ay doonayeen inay si sharci-darro ah kaga tahriibaan dalkaasi. Taliyaha Ammaanka ee Degmadda Aswaan, Jeneral  Maxamed […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka naga soo gaarayo Degmadda Aswaan ee dalka Masar ayaa waxay sheegayaan inay Dhallinyarro Soomaali ah saakayto ku dhaawacmeen shil gaari.

Wargeyska Akhbaaral-yoom ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa waxa uu qoray inay Dhallinyaradaasi ay shilka galeen, xilli ay doonayeen inay si sharci-darro ah kaga tahriibaan dalkaasi.

- Advertisement -

Taliyaha Ammaanka ee Degmadda Aswaan, Jeneral  Maxamed Mustafa ayaa u sheegay Wargeyska inay saddex qof  oo Soomaali ah ku dhaawacmeen shil gaari , lana dhigay Xarunta Nasar Al-noobat.

Waxa uu sheegay inay dadkaasi soo gaareen dhaawacyo  u badan jajabka Lafaha.

Dhinaca kale, Tahriibayaasha ku dhaawacmay shilkaasi maanta ka dhacay dalka Masar ayaa waxaa lagu kala magacaabaa:-

- Advertisement -
  1. Mowliid Xuseen Afrax oo 30-jir ah
  2. Cabdow Maxamed Mustafa oo 19 jir ah
  3. C/raxmaan Yuusuf oo 25 jir ah.

Dhinaca kale, Tahriibayaal ay tiradooda dhan tahay 136 qof oo ay Soomaali ku jiraan ayaa lagu qabtay Degmasdda Alsaluun ee dalka Masar, iyagoo doonayey inay u sii gudbaan Lama-degaanka dalka Liibiya.

 

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts