HomeWararHooyadda dhashay Jihadiste Britishka ee lagu dilay Kenya oo diiday in maydkiisa...

Hooyadda dhashay Jihadiste Britishka ee lagu dilay Kenya oo diiday in maydkiisa loo keeno.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Sally Evans oo dhashay Jihadiste Thomas Evans oo loo yaqaano Cabdul Xakiim ayaa hadalkaasi ku sheegtay Wareysi ay siisay Wargeyska The Times ee ka soo baxa magaallaadda London, waxayna sheegtay inaysan doonayn in maydka wiilkeeda loo keeno.

Sally Evans oo 57 jir ah waxay sheegtay inay ka naxay markii ay sawirka wiilkeeda ka aragtay Twitterka.

“Ka hooyo ahaan, waan rumeysan waayey inuu ahaa wiilkayga, aad baan u jeclaa wiilkayga yar” ayuu tiri Sally Evans, waxayna ku dartay inay Ilaah mahaadiisa tahay haddii uusan noqonin Is-qarxiye dad badan galaafta.

Jihadiste Thomas Evans oo Cabdul Xakiim la baxay markii uu soo islaamay markii uu da’da 19 jirka ah, kadibna waxa uu ku biiray Dagaalamayaasha Alshabaab sannadkii 2012-kii.

Waxa uu bishii December ee sannadkii hore u sheegay hooyadiisa inaysan tacsi u dhigin haddii uu geeriyoodo, isla markaana uu jecel yahay inuu Jannadda galo.

Jihadistahaasi waxa uu ka mid ahaa Dagaalamayasha Alshabaab ee dagaalka xooggan Ciiddanka Kenya kula galay duleedka Degmadda Laamu ee dalka Kenya.

Ugu yaraan 50 Jihaadistayaal British ah ayaa la rumeysan yahay inay ku biireen Alshabaab.

Xigasho: The Times

sally

Thomas Evans,

© Warqabadka Dalsan Radio

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories