HomeWararNin dib u dhigay Diyaarad ay raaci lahayd saaxiibtiisa

Nin dib u dhigay Diyaarad ay raaci lahayd saaxiibtiisa

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Boliska dalka Faransiiska ayaa xiray nin la sheegay inuu bam aan run run ah ku cabsi geliyey Garoon Diyaaradeed oo ku yaalla K/galbeed Faransiiska. Ninkaasi oo 33-jir ah ayaa la sheegay inuu cabsi-gelintiisa u sameeyey si ay ugu dhacdo xilligii ay Diyaarad ay la socotay saaxiibtiisa ka hinqan lahayd Garoonka Bordeaux-Merignac. Ninkaasi ayaa la sheegay […]

- Advertisement -

Boliska dalka Faransiiska ayaa xiray nin la sheegay inuu bam aan run run ah ku cabsi geliyey Garoon Diyaaradeed oo ku yaalla K/galbeed Faransiiska.

Ninkaasi oo 33-jir ah ayaa la sheegay inuu cabsi-gelintiisa u sameeyey si ay ugu dhacdo xilligii ay Diyaarad ay la socotay saaxiibtiisa ka hinqan lahayd Garoonka Bordeaux-Merignac.

- Advertisement -

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu Maamulayaasha Garoonka u sheegay in bam la geliyey Diyaarada ay saaxiibtiisa raaci lahayd.

Boliska ayaa la sheegay inay Rakaabkii ka soo saareen Garoonkii, waxayna baaritaano ku sameeyey Diyaaradda iyo guud ahaan Garoonka, waxaana laga waayey bamkii laga digay.

Ninkii ayaa la sheegay in laga soo qabtay  meel 21-KM ka fogaa Garoonka, wuxuuna sharxay sababihii ku kallifay arrintaasi.

- Advertisement -

Waxa uu ku dooday inuu doonayey inuu dib u dhigo safarkii saaxiibtiisa, oo uu ka baqayey inuusan mar kale arki doonin. Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay inuu ninkaasi mudan karo xabsi 2 sanno iyo ganaax dhan 30,000 oo Euro oo u dhiganta 33,000 oo Dollar.

Latest stories