HomeWararDowladda Federaalka oo sheegtay in aan loo dulqaadan doonin tacadiyada haweenka loo...

Dowladda Federaalka oo sheegtay in aan loo dulqaadan doonin tacadiyada haweenka loo geysto

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar, ayaa sheegtay in aan loo dulqaadan doonin tacadiyada haweenka loo geysto. Wasiir Sahra ayaa tiri “Bacdamaa loo diyaar garoobayo munaasabadda maalinta Haweenka ee 8da Maarso waxaa muhiim ah in bulshada laga wacyi geliyo dhibaatooyinka tacadiyada haweenka, oo dhaqan ahaan iyo diinteena suuban-ba lagu sheegay […]

- Advertisement -

Wasiirka Haweenka & Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Sahra Maxamed Cali Samatar, ayaa sheegtay in aan loo dulqaadan doonin tacadiyada haweenka loo geysto.

Wasiir Sahra ayaa tiri “Bacdamaa loo diyaar garoobayo munaasabadda maalinta Haweenka ee 8da Maarso waxaa muhiim ah in bulshada laga wacyi geliyo dhibaatooyinka tacadiyada haweenka, oo dhaqan ahaan iyo diinteena suuban-ba lagu sheegay in shaqsiga karaamadiisa iyo sharafkiisa loo baahan yahay in kor loo qaado, lagana badbaadiyo dhammaan tacadiyada oo dhan.

- Advertisement -

“Soomaalidu waa dad aad u ixtiraama dumarka oo dhaqan ahaan iyo diin ahaanba falalka tacadiyada ay ahaayeen kuwo bulshada meel uga soo wada jeesato, hase yeeshee dad yar oo kooban ayaa caadeystay inay dumarkeena xumeeyaan, taasna ma aha mid aan aqbali karno.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la horumariyo xaquuqda dumarka, carruurta iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Siyaasad cad-cad baana ka leenahay oo aan marnaba loogu dulqaadan karin falalka noocan oo kale ah.

- Advertisement -

Caalamka oo dhan waxaa la isku raacsan yahay inay lama taabtaan tahay xaquuqda muwaadiniinta, waxaana aragnaa sida gabdhaha iyo haweenka dalka India ay maalmahan ugu bannaan baxayeen si ay u muujiyaan sida aysan raalli uga aheyn tacadiyada loo geysto dumarka oo ay dalbanayeen in wax laga qabto.

Waan la qabnaa walwalkaas oo waan la murugooneynaa, waana inaan cashar ka baranaa caalamka intiisa kale.”

Wasiir Sahra ayaa ugu danbeystii ku soo gabogabeysey hadalkeeda “Dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka waxaan ugu baaqayaa inay doorkooda muhiimka ah ka qaataan sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa dhibaatooyinka tacadiyada si aan u wada gaarno heer loo wada joojiyo dhammaan tacadiyada loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed. “

DHAMAAD

Wasaaradda Haweenka & Xaquuqul Insaanka,
samiira92@hotmail.com

Latest stories