HomeWararKulan aan caadi ahayn oo ay caawa yeesheen Golaha Wasiirada ayaa laga...

Kulan aan caadi ahayn oo ay caawa yeesheen Golaha Wasiirada ayaa laga soo saaray Qodobo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Falkii Wuxuushnimo ee “Central Hotel” Muqdisho, February 20, 2015…Kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaaddeen Golaha Wasiirrada, uuna kala soo qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa looga arrin saday weerarkii argagixiso ee duhurkii Jimcaha 20 February, 2015 lagu qaaday “Hotel-ka Central” oo ay markaas ku sugnaayeen shacab iyo masuuliyiin […]

- Advertisement -
Page1

- Advertisement -

Falkii Wuxuushnimo ee “Central Hotel”

Muqdisho, February 20, 2015…Kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaaddeen Golaha Wasiirrada, uuna kala soo qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa looga arrin saday weerarkii argagixiso ee duhurkii Jimcaha 20 February, 2015 lagu qaaday “Hotel-ka Central” oo ay markaas ku sugnaayeen shacab iyo masuuliyiin salaadda Jimcaha ku tukanayey masaajid ku dhex yaala Hotel-ka.

- Advertisement -

Falkaas argagixiso waxaa loo adeegsaday gaari ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa iyo nafti halige is qarxiyay. Dhacdadaas argagixiso waxaa ku geeriyooday 25 qof inta la xaqiijiyay oo isugu jira shacab iyo masuuliyiin, kana mid yihiin 2 Xildhibaan, Guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Banaadir, masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsan Xafiiska R/Wasaaraha. Waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay 40 qof oo u badan dhaawac fudud, uu kamid yahay R/Wasaare ku xigeenka, mudane Max’ed Cumar Carte iyo dad kale oo isugu jira shacab iyo masuuliyiin.

Shirka aan caadiga aheyn ee Golaha Wasiirrada waxaa lagu go’aamiyey:

1. Cambaareyn weerarkii wuxuushnimo ee lala beegsaday shacab iyo mas’uuliyiin dawladda.
2. U tacsiyeyn Shacabka Soomaaliyeed iyo ehelladii dadkii ku geeriyooday falkaas argagixiso.
3. Dhisid guddi Wasiirro oo ka kooban, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Caafimaadka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, si ay uga howlgalaan taakuleynta dadka ay waxyeeladu soo gaartay.
4. Dhisid Guddi Amni oo hormuud ka yihiin, Wasiirka Amniga Gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga, kaasoo baaritaan kusoo sameynaya falkii argagixiso, si loo qaado tallooyinka xiga.

- Advertisement -

Falalka argagixisinimadu ma wiiqayaan kalsoonida shacabka iyo dawladda sidii dalka nabad iyo horumar loogu soo dabaali lahaa loona gaari lahaa ciribtirka argagixisada.

—Dhammaad—
Ahmed-Nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Tel: +252-6155-02546
Twitter: @SomaliPM, @axmednuur

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts