Hogaamiyaasha Muslimiinta Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa waxaa ay walaac xoogan ay ka muujiyeen shir loogu hadlayo arimaha xagjirnimada iyo in caruurta ay aadaan wadamada ay dagalada ka jiraan, oo todobaadkaan lagu qabanayo caqalka cad ee Mareykanka.
Qaar kamid ah hogaamiyasha Ururada xuquuda muslimiinta udooda ee somalida ah ayaa waxaa ay ka qeybgali doonaan shirka, iyagoona meteli doona bulshada somalida ee dalkaasi Mareykanka.
Xeer illaaliyada dalka Mareykanka Andy Lunger, ayaa hogaamin doona wafuuda ka socota Minnesota ee ka qeybgaleysa shirka, iyadoona dhanka kale xooga lagu saari doono awoodsiinta dhalinyada Somali American-ka iyo sida loogu caawin lahaa in aysan usafrin meelaha ay dagalada ka jiraan.
Jeylaani Hussein waa agaasimaha fulinta ee cutubka Minnesota Council on American-Islamic Relations. Waxaa uu Minnesota Public Radio News usheegay in arintaan ay dhinaca y ugu wanaagsantahay Somalida.
Dhanka kale waxaa jira qaar badan oo ka mid ah ururada Muslimiinta xuquuqdooda udooda oo ka soo horjeestay aragtida Xeer illaaliyaha, gaar ahaan qaabka loola dagaalamayo.