HomeWarar(SAWIRO): Madaxweyne Xasan Sheekh oo codsaday in mar kale la soo doorto,...

(SAWIRO): Madaxweyne Xasan Sheekh oo codsaday in mar kale la soo doorto, si uu u dhamaystiro waxa qabyadda ka noqday.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Sii-hayaha Madaxweynaha DFS, ahna Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xalay Hotelka City Palace ku qabtay Munaasabad qeyb ka ah Ololihiisa Doorashadda, wuxuuna ku soo bandhigay Ajendahiisa Shaqo haddii mar 2-aad loo doorto Madaxweynaha JFS. Xasan Sheekh waxa uu Qorshihiisa shaqo asaas u dhigay Qoddobo asaas u noqonayo Hawlihii ka qabyada noqday tan iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Sii-hayaha Madaxweynaha DFS, ahna Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xalay Hotelka City Palace ku qabtay Munaasabad qeyb ka ah Ololihiisa Doorashadda, wuxuuna ku soo bandhigay Ajendahiisa Shaqo haddii mar 2-aad loo doorto Madaxweynaha JFS.

Xasan Sheekh waxa uu Qorshihiisa shaqo asaas u dhigay Qoddobo asaas u noqonayo Hawlihii ka qabyada noqday tan iyo markii uu Xilka Madaxweynaha loo doortay sannadkii 2012-kii.

- Advertisement -

Waxa uu Labada Gole ee Barlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed ka codsadeen inay Codka Kalsoonida siiyaan, si u dhamaystiro Qabyadiisa.

Waxa kale oo carrabka ku dhuftay inuu hiigsan doono Qoddob ay ka mid yihiin: Hiigsiga Cuusb, Dhamaystirka Dastuurka, Dhismaha Siyaasadda Cusub ee Qaranka ee afarta sanno ee soo socota, Dhamaystirka Maamul-gobaleedyadda , Talo-wadaagista iyo Adkeynta Ammaanka dalka.

Waxa kale oo uu xusay inay Dowladiisa abuuri doonto Hay’ad Khaas oo u xil-saaran La-dagaalanka Musuqa iyo Maamul-xumida, iyadoo horey loo caal la’aa Xakamaynta Musuqa ku xidideystay Nidaamka Dowladnimo.

- Advertisement -

Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu Khudbadii uu xalay ka jeediyey Ololihiisa Doorashadda, waxa uu dhowr jeer ku hal-qabsaday Hal-ku-dhegiisa “Qabyo Qofkeeda ayaa dhamaystira”, isagoo ku baaqay in mar kale la doorto si uu u dhamaystiro  waxa qabyadda ka noqday Afartii sanno ee uu Xilkaasi hayey.

Muddadii ay socotay Munaasabaddaasi, waxaa la adkeeyey Ammaanka, iyadoo la xiray Waddooyin muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ka dhex shaqeeya Muqdisho.

xasan-sheekh-6

xasan-sheekh-8

xasan-sheekh-7

xasan-sheekh-5

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts