HomeWararUganda oo ugu baaqday Hoggaamiyayaasha Soomaalida inay dedejiyaan Qorshaha Ammaanka iyo Dib-u-dhiska...

Uganda oo ugu baaqday Hoggaamiyayaasha Soomaalida inay dedejiyaan Qorshaha Ammaanka iyo Dib-u-dhiska Ciiddanka Qaranka.

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Taliyaha Ciiddanka Difaaca Uganda (The Uganda People’s Defence Force (UPDF) Jeneral Edward Katumba Wamala ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, markii uu shalay booqasho 3 maalmood ah ku yimid magaalladda Muqdisho, si uu ugu kuurgalo Hawlaha Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM. Barta Twitterka ee Ciiddanka Uganda ee UPDF ayaa lagu sheegay inuu Taliye Wamala ugu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Ciiddanka Difaaca Uganda (The Uganda People’s Defence Force (UPDF) Jeneral Edward Katumba Wamala ayaa hadalkaasi sheegay, kadib, markii uu shalay booqasho 3 maalmood ah ku yimid magaalladda Muqdisho, si uu ugu kuurgalo Hawlaha Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Barta Twitterka ee Ciiddanka Uganda ee UPDF ayaa lagu sheegay inuu Taliye Wamala ugu baaqay Hoggaamiyayaasha Soomaalida inay dardar geliyaan Isbedelka lagu samaynayo Waaxda Ammaanka iyo Dib-u-dhiska Ciiddanka Qaranka ee Somalia.

- Advertisement -

Jeneral Edward Katumba Wamala waxa uu intaasi ku daray in Dib-u-dhiska Ciiddanka Qaranka ee Somalia muhiim u tahay, si ay Ciiddanka AMISOM ugala wareegaan Hawlaha Ammaanka ee guud ahaan Somalia.

Bishii June ee sannadkii hore, waxa uu Sarkaalkaasi sheegay inay bisha December ee sannadkan 2017-ka bilaabi doonaan inay Ciiddankooda kala baxaan Somalia, wuxuuna carrabka ku dhuftay in la joogo xilligii Dowladda Somalia awoodda isugu geyn lahaayeen Sugida Ammaanka iyo La-dagaalanka Alshabaab.

Uganda waxaa Somalia ka jooga Ciiddan tiradooda dhan tahay 6,223 Askari, waana Ciiddanka ugu tirada badan Ciiddanka Hawlgalka AMISOM ee joogay Somalia tan iyo sannadkii 2007-dii.Safarka uuTaliyaha Ciiddanka Uganda ku yimid shalay ku yimid magaalladda Muqdisho ayaa ku soo beegantay saacado ka hor inta aysan Qaraxyadda ka dhicin Nawaaxiga Taliska Dhexe ee Ciiddanka AMISOM ku leeyihiin Xeradda Xalane,

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts