Maxkamadda magaalladda Britsol ee dalka Britain waxaa la soo taagay 3 Nin oo Somali ah, kuwaasi oo qeyb ka ah Shabakad Dembiilayaal geysta Xadgudubka, Kufsiga, isla markaana ay tahriibiyaan Gabdhaha yaryar ee ku nool dalkaasi.
Eedeysanayaasha la soo taagay Maxkamadda Bristol Crown Court waxaa lagu kala magacaabo Zakariye Sheekh oo 23-jir ah, Maxamed Daahir oo 24 jir ah iyo Abdirashid Abdullahi oo 23-jir.
Garsoore Peter Blair waxa uu Zakariye Sheekh ku xukumay 16 sanno, iyadoo Eedeysanayaasha Maxamed Daahir iyo Abdirashid Abdullahi lagu xukumay min 8 sanno.
Garsoore Peter Blair waxa uu Eedeysanayaasha u sheegay inay ceeb u keeneen Qoysaskooda iyo Nafsad ahaantooda, isla markaana ay ku xad-gudbeen gabdho yaryar oo 14-jirro ahaa.
Qaar ka mid ah Gabdhahaasi ayaa la siiyey Daroogo iyo Khamri, kadibna ay raggaasi iyo kuwo kale fara xumeeyeen.
Kiiska Dacwadaha loo haysto Eedeysanayaasha la xukumay iyo kuwo Xukun-sugayaal ah ayaa waxaa loogu magac daray Hawlgalka Operation Button.
14 rag Soomaali ah oo ka mid ah Shabakadaasi ayaa lagu xukumay xukun guud oo ka badan 100-sanno, iyado oDacwadii ugu horreysay la qaaday sannadkii 2014-kii.
©Radio Dalsan