HomeWararQeyb ka mid Derbiga Xayndaabka Kenya ka dhisayo Xuduudka Somalia oo la...

Qeyb ka mid Derbiga Xayndaabka Kenya ka dhisayo Xuduudka Somalia oo la dhamaystiray.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dowladda Kenya waxay sanadkii hore go’aansatay  inay Derbi Xayndaab ah ka dhisaan Xuduudka ku dheresan Somalia, si ay uga nabad galaan weerarada qorsheysan ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka fuliyeen gudaha dalkaasi. Sarreeye Gaas K.T. Chepkuto oo ka tirsan Waaxda Enjineeriyadda ee Ciiddanka Kenya ayaa sheegay inay 30-KM ee Xayndaabkaasi ku dhamaystiri doonaan 4-ta bilood ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Kenya waxay sanadkii hore go’aansatay  inay Derbi Xayndaab ah ka dhisaan Xuduudka ku dheresan Somalia, si ay uga nabad galaan weerarada qorsheysan ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka fuliyeen gudaha dalkaasi.

Sarreeye Gaas K.T. Chepkuto oo ka tirsan Waaxda Enjineeriyadda ee Ciiddanka Kenya ayaa sheegay inay 30-KM ee Xayndaabkaasi ku dhamaystiri doonaan 4-ta bilood ee soo socota.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay Saraakisiha Milliteriga Kenya si dhow ugala shaqeynayaan Ciiddanka Qaranka Somalia (Somali National Army) sidii hawshaasi loogu samayn lahaa si nabad leh.

“Meesha keliya ee laga yaabo in khilaaf ka yimaado Buula Xaawo, balse Ciiddanka Somalia waxay nagala shaqeynayaan sidii loo xaqiijin lahaa inuu mashruuca ku socdo si degdeg” ayuu yiri Sarkaalkaasi.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Mandera, Ali Roba ayaa sheegay inu Xayndaabkaasi  loo samaynayo meel laga soo galo iyo meel laga baxo, si loo sugo Ammaanka.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay doonayaan inay Walaalaha ka imaanayo Somalia ganacsi la sameeyaan dadka ku nool W/bar Kenya, iyagoo soo marayo Waaxda Canshuuraha ee Xuduudka, si loo joojiyo waxyaabaha aan la rabin.

Tallaabadda ay Dowladda Kenya ku gaartay Dhismah Derbiga Xayndaabka ayaala sheegay in la qaatay, kadib, weerarkii ay Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab ku qaadeen Jamaacadda Garissa ee W/bari Kenya bishii April ee sannadkii hore, laguna dilay 140-qof.

Dagaalamayaasha Alshabaab waxay weeraro joogto ah ka geystaan gudaha dalka Kenya, waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan Weeraradaasi tan iyo inta ay Ciiddanka Kenya ku sugan yihiin gudaha Somalia.

Kumanaan Askar Kenyan ah ayaa waxay bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii gudaha u soo galeen Xuduudka Somalia, balse waxay ku fashilmeen Ujeedada Hawlgalkii ay u soo galeen Somalia ee ahaa inay Alshabaab u itaal sheegtaan.

©Radio Dalsan

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts