HomeWararMaxkamad Britain oo xukun ku riday Rag Somali lagu eedeeyey kufsi iyo...

Maxkamad Britain oo xukun ku riday Rag Somali lagu eedeeyey kufsi iyo inay tahriibin jireen Gabdho yaryar.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Maxkamadda magaalladda Britsol ee dalka Britain waxaa la soo taagay 3 Nin oo Somali ah, kuwaasi oo qeyb ka ah Shabakad Dembiilayaal geysta Xadgudubka, Kufsiga, isla markaana ay tahriibiyaan Gabdhaha yaryar ee ku nool dalkaasi. Eedeysanayaasha la soo taagay Maxkamadda Bristol Crown Court waxaa lagu kala magacaabo Zakariye Sheekh oo 23-jir ah, Maxamed Daahir oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda magaalladda Britsol ee dalka Britain waxaa la soo taagay 3 Nin oo Somali ah, kuwaasi oo qeyb ka ah Shabakad Dembiilayaal geysta Xadgudubka, Kufsiga, isla markaana ay tahriibiyaan Gabdhaha yaryar ee ku nool dalkaasi.

Eedeysanayaasha la soo taagay Maxkamadda Bristol Crown Court waxaa lagu kala magacaabo Zakariye Sheekh oo 23-jir ah, Maxamed Daahir oo 24 jir ah iyo Abdirashid Abdullahi oo 23-jir.

- Advertisement -

Garsoore Peter Blair waxa uu Zakariye Sheekh ku xukumay 16 sanno, iyadoo Eedeysanayaasha Maxamed Daahir iyo Abdirashid Abdullahi lagu xukumay min 8 sanno.

Garsoore Peter Blair waxa uu Eedeysanayaasha u sheegay inay ceeb u keeneen Qoysaskooda iyo Nafsad ahaantooda, isla markaana ay ku xad-gudbeen gabdho yaryar oo 14-jirro ahaa.

Qaar ka mid ah Gabdhahaasi ayaa la siiyey Daroogo iyo Khamri, kadibna ay raggaasi iyo kuwo kale fara xumeeyeen.

- Advertisement -

Kiiska Dacwadaha loo haysto Eedeysanayaasha la xukumay iyo kuwo Xukun-sugayaal ah ayaa waxaa loogu magac daray Hawlgalka Operation Button.

14 rag Soomaali ah oo ka mid ah Shabakadaasi ayaa lagu xukumay xukun guud oo ka badan 100-sanno, iyado oDacwadii ugu horreysay la qaaday sannadkii 2014-kii.

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts