HomeWararCiiddanka Khaaska Maraykanka ee ka hawlgala Somalia oo ay la soo deristay...

Ciiddanka Khaaska Maraykanka ee ka hawlgala Somalia oo ay la soo deristay Khataro dheeraad ah.

Date:

Related stories

Cambaareyn Caalami ah: Sacuudiga, Turkiga iyo Waddamo kale oo Gaashaanka ku dhuftay Qorshaha Israa’iil ee Soomaaliya

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Sacuudiga, Turkiga, Indonesia iyo waddamo kale ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada Israa’iil ay wakiil ugu magacawday Somaliland. Warbixintan waxay faahfaahinaysaa sida dalalkani ay u difaaceen madaxbannaanida Soomaaliya,

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madasha Antaaliya ka Jeediyay Farriin Miisaan Leh

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Turkiga uga qayb galay Madasha Diblumaasiyadda ee Antaaliya, halkaas oo uu kaga hadlay muhiimadda wada-hadalka iyo iskaashiga caalamiga ah. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha,

Puntland President Deni Overhauls Police Leadership in Major Security Shake-Up

Puntland's President Said Abdullahi Deni has announced a sweeping restructuring of the regional police force, appointing a new second deputy commander and fresh leadership across key departments, including the Criminal Investigations Department (CID) and regional police commands. The move is seen as part of broader security reforms to strengthen law enforcement in the semi-autonomous state.

Somalia’s Elite Gorgor Unit Delivers Lifeline to Drought-Hit Families

The Gorgor Commandos of the Somali National Army have conducted a humanitarian operation in the Middle Shabelle region, delivering critical food aid to communities suffering from severe drought in an incredible show of solidarity.

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Taliyaha Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneral Thomas Waldhauser ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi lagula yeeshay Xarunta Taliska AFRICOM oo ku taalla magaalladda Stuttgat ee dalka Jarmalka.

Taliyaha Taliska Ciiddamadda Maraykanka ee AFRICOM, waxa uu tilmaamay in waqti kooban la hakiyey in Ciiddamadda Maraykanka loogu yeero Hawlgalladda ka socda Somalia, isla markaana ay culayska saareen in la dhiso Awoodda Ciiddamadda Soomaalida.

Waxa kale oo uu tilmaamay in Hadafka Tababarkaasi yahay sidii loo tababari lahaa Ciiddanka Somalia sannooyinka soo socda, si ay awood ugu yeeshaan inay la wareegaan Ammaanka Somalia marka ay Ciiddanka AMISOM ka wada huleelaan Somalia sannadka 2018-ka.

Wuxuuna qiray inuu Hawlgalka noqday mid khatar badan, isla markaana ay Ciiddanka Maraykanka ku tallaabsanayaan Dhabaha Waxyeelladda, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Taliyaha ayaa xusay in Hawlgalladda Ciiddanka Khaaska Maraykanka ee la shaqeeya Ciiddanka Dowladda Federalka Somalia soo food saareen khataro badan ee Hawlgalka La-talinta, gaar ahaan Hawlgalladda Wadajirka ee Goobaha Dagaalka.

“Marka aad hesho Wejiga Ciiddamadda ku wehlinayo, waa inaad u sheegtaa in Unugyada aad la shaqeynayso yihiin halka ay ka qaadanayaan Hawlgalka oo kooban oo aad u khatar badan” ayuu yiri Taliyaha Maraykanka ee AFRICOM.

Waxa uu intaasi ku daray in bilowgii inay dadaalkaasi xuddun u ahayd sidii Ciiddanka loo bari lahaa Asaaska Dagaalka iyo sida loo kaxayn karo Gaadiidka Dagaalka iyo Isticmaalka Hubkooda.

Taliyaha Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneral Thomas Waldhauser waxa kale oo uu tilmaamay in Ciiddanka Maraykanka ee jooga Somalia qaadaan Hawlgaladda Dagaalka ee Tooska ee lagu beegsado Bar-tilmaameedyadda  Xerooyinka Tababarka ee Xarakadda Alshabaab  iyo waxa u uugu yeeray Wershadaha lagu farsameeyo Miinooyinka nooca IED, waa sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntii, waxa uu sheegay in Qabsoomida Doorashooyinka Somalia muujinayso inay soo hagaagayso Xaalladda Ammaanka ee Somalia, inkastoo uusan meesha ka saarin Fal-celinta ay Dagaalamayaasha Alshabaab geysan karaan.

Sannadihii la soo dhaafay, Ciiddanka Maraykanka  waxay Joogitaan Xasilooni ku haysteen gudaha Somalia, iyagoo ka qaadan jirey Dadaalka Caalamiga ee dib loogu dhisayo Awoodda ay Ciiddanka Dowladda u leeyihiin inay dagaal la galaan Xarakadda Alshabaab.

Boqolaal Askar Maraykan ayaa Saldhigyo Qarsoon ku leh Somalia, gaar ahaan Balli-doogle, Kismaayo iyo Puntland, kuwaasi oo fuliya Hawlgalo Qorsheysan.

©Radio Dalsan

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories