HomeWararCiiddanka Khaaska Maraykanka oo la sheegay inay ka qeyb galeen Hawlgal ka...

Ciiddanka Khaaska Maraykanka oo la sheegay inay ka qeyb galeen Hawlgal ka dhacay duleedka Kismaayo.

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Warar ka imaanayo magaalladda Kismaayo ayaa waxay sheegayaan inay Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka iyo kuwa Dowladda Federalka si wadajir ah u beegsadeen Fariisimadda ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku leeyihiin Tuulladda Berxaani ee Gobalka J/Hoose. Warbaahinta OFREP ayaa sheegtay inay heleen Warar uu Sawir-qaade Deegaanka oo joogay goobta la weeraray uu sheegay inay Dagaalyahanno shisheeye ah weerareen […]

- Advertisement -

Warar ka imaanayo magaalladda Kismaayo ayaa waxay sheegayaan inay Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka iyo kuwa Dowladda Federalka si wadajir ah u beegsadeen Fariisimadda ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku leeyihiin Tuulladda Berxaani ee Gobalka J/Hoose.

Warbaahinta OFREP ayaa sheegtay inay heleen Warar uu Sawir-qaade Deegaanka oo joogay goobta la weeraray uu sheegay inay Dagaalyahanno shisheeye ah weerareen Tuulladda ay Alshabaab ku xooggan yihiin ee Beerxaani.

- Advertisement -

Ciiddanka Isbahaysiga ayaa la sheegay inay dhowr qof ku qabteen Hawlgalkaasi, waxaa kaloo la soo weriyey inay Ciiddanka Maamulka Jubbaland dab qabadsiiyeen 4 guri oo ku yaalla Beerxaani, kadib, markii ay Ciiddanka Maraykanka hawlgalka ka fuliyeen Deegaankaasi.

Bishii July 23-dii ee sannadkan, ayey Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab la wareegeen Deegaanka Beerxaani, kadib, marii ay Ciiddanka Maamulka Jubbaland soo galeen Deegaankaasi, isla markaana ay dab ku wada qabteen dhismayaasha.

Wax yar ayaa la og yahay waxa uu yahay Hawlgalka Ciiddanka Khaaska Maraykanka ka qaateen Hawlgalkaasi, inkastoo Ciiddankaasi oo hoos taga Taliska SOCAFRICOM iyo Taliska kale ee Isku-dhafka Hawlgalladda Khaaska ee JSOC oo Waqtiyo kooban ku sugan gudaha Somalia.

- Advertisement -

Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka waxaa la hawlgala Ciiddanka Gaashan ama Alpho ay Milliteriga Maraykanka tababaraan, kuwaasi oo inta badan ka qeyb gala Hawlgalladda Khaaska ee ay ka fuliyaan Deegaanadda ay Xarakadda Alshabaab ku xooggan yihiin.

©Radio Dalsan

Latest stories