HomeWararQaar ka mid ah Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM...

Qaar ka mid ah Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM oo Hawlgab noqday.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ugu yaraan 1,500 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Uganda ayaa la isugu geeyey Xeradda Tababarka Qadaafi oo ku taalla Degmadda Jinja, kuwaasi oo shaqada ka fariisan doona sannadka soo socda. Ku-xigeenka Afhayeenka dalkaasi, Major Henry Obbo ayaa sheegay in Ciiddankaasi la barayo sida ay ula qabsan lahaayeen Nolosha Rayidka marka ay Hawlgab ka noqdaan Hawlaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ugu yaraan 1,500 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Uganda ayaa la isugu geeyey Xeradda Tababarka Qadaafi oo ku taalla Degmadda Jinja, kuwaasi oo shaqada ka fariisan doona sannadka soo socda.

Ku-xigeenka Afhayeenka dalkaasi, Major Henry Obbo ayaa sheegay in Ciiddankaasi la barayo sida ay ula qabsan lahaayeen Nolosha Rayidka marka ay Hawlgab ka noqdaan Hawlaha Milliteriga.

- Advertisement -

Tan iyo sannadkii 2014-kii waxaa Uganda ka socda Barnaamij sannadeed qaar ka mid ah Ciiddanka ku noqdeen Hawlgab.

Ku-dhawaad 4,500 Askari ayaa Hawlgab noqday sababo la xiriira da’dooda oo weynaatay, caafimaad-xumo iyo Askarta aan muddo dheer dalacaad helin.

Askarta sannadkan Hawlgabka noqonayso waxaa ku jira qaar ka mid ah Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, inkastoo aan la sheegin tirada rasmiga ee Hawlgabka ka noqonayso.

- Advertisement -

In ka badan 6,000 Askari oo u dhalatay dalka Uganda ayaa qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo Somalia ku sugnaa tan iyo sannadkii 2007-dii.

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts